Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay dedaaladda urur gobaleedka IGAD ee ku aadan arrimaha Jubbooyinka isagoona ku eedeeyay in ay fargalin ku hayso.
Prof Gaandhi oo ka mid ahaa xildhibaanno iyo siyaasiyiin kulan ku yeeshay Nairobi ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay maamulka Azhaniya oo yiri weli waa maamul dhisan oo shaqeeya.
Wuxuu u warramay BBC-da, isagoona sheegay howlaha IGAD ay ka wado Soomaaliya in uu shaki ballaaran ku dahaaran yahay.
Gaandhi ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaa uu shaki weyn ugu jiraa IGAD arrimaha ay ka heyso Soomaaliya ma fududeeyaa mise waa fuliye, marka hadda waxaa muuqata in ay fulinta tahay”
Xildhibaanka ayaa sidoo kale dhaliilay maamulka kumeel gaarka ee Jubba, isagoona yiri maamulkaas waxay noqdeen kuwa maamulka isku kooba oo dad kale aan rabin in ay fursad siiyaan sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa la weydiiyay maamulka Azhaniya halka uu ka dhisan yahay, wuxuu sheegay in maamulka Azhaniya in uu yahay maamul dhisan oo ay ku mideesan yihiin dadka deggan Jubbooyinka, isagoona intaas ku daray in mardhow ay ka billaabia doonaan Jubbooyinka dib u heshiisiin iyo shirar looga hadlaayo masiirka Jubbooyinka.
Wuxuu ku eedeeyay maamulka Jubba in wax masiir ah aaney u heynin dadka deggan Jubbooyinka.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in uu isaga doonayo siddii uu arki lahaa dadka Jubbooyinka oo mustaqbalkooda ka tashada isla markaana sameesta maamul loo dhan yahay.
Hadalka xildhibaan Gaandhin ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya iyo IGAD ay ku guuleysteen Korneel Barre Hiiraale in uu yimaado Kismaayo kaddib markii muddo sannad ka badan uu ku sugnaa meel dibedda ka ah magaalada isla uu ku dhawaaqay in uu soo afjaray dagaalka uu kula jiray maamulka Axmed Madoobe.
Maamulka Azhaniya oo looga dhawaaqay Kenya ayaa noqday mid hirgali waaya waxaana maamulkaas dabada ka riixeysay dowladda Kenya oo dano ku wadata, sida ay lee yihiin xeeldheerayaasha siyaasadda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi