SAWIRRO: Haweeneey laga shaki qabo inay Islaamtay oo digniin culus dirtay

Dimishiq (Caasimadda Online) – Hooyo u dhalatay dalka Britain oo mar soo ahaan jirtay heesaay ayaa laga shakisan yahay inay soo gashay diinta Islaamka waxayna dadka heysta diinta Kirishtaanka ugu hanjabtay inay ku gowrici doonto ‘Mindi af la’aan ah’, sida ay warbixintaani daaha ka qaadeyso.

Baareyaasha ayaa daaha ka qaaday inay haweeneey British ah u safartay dal dhaca Bariga Dhexe ka dib markii ay guursatay mujaahid British ah waxaana laga yaabaa inay haweeneydaani tahay Sally Jones, oo ka timid Chatham oo dhacda Kent.

Jones, ayaa la aamisan yahay inay ku jirto da’da 40aad, waxayna guursatay afduubaha isku roggay xag jirka Junaid Hussain isla markaana waxay soo gashay diinta Islaamka, ka hor inta aysan labadoodu si kala gooni ah ugu safrin dalka Syria, sida la aamisan yahay, halkaasoo ay hanjabaado uga soo gudbisay boggeeda Twitter.

Iyadoo magaceeda u bedeshay Umm Hussain al-Britani, hooyadaan dhashay labada ilmood ayaa boggeeda Twitter soo dhigtay fariimo naceyb ah sida: “Adinka Kirishtaankiinu waxaad dhammaantiin u baahan tihiin in la idinku gowraco mindi af la’aab ah… Halkaan imaada sidaas ayaan idinku sameyn doonaa!”.

Inkastoo tan iyo markaas la masaxay akoonadeeda Twitter iyo Facebook, waxay sidoo kale daaha ka qaaday in iyada iyo seeygeeda laga yaabo inay u safreen ‘Islamic State’ oo magac kale loogu yeero Caliphate (Khaliifat) ka dib muddo 7 bilood ah oo ay ku xayirnaayeen dalka Syria.

Sawirkaan waa Sally Jones oo heeseysa 1990meeyadii
Sawirkaan waa Sally Jones oo heeseysa 1990meeyadii
Sally Jones oo la aamisan yahay inay tahay haweeneyda halkaan ku sawiran, ee gacanta ku heysata qoriga AK-47 ah
Sally Jones oo la aamisan yahay inay tahay haweeneyda halkaan ku sawiran, ee gacanta ku heysata qoriga AK-47 ah
Waxay farriintaan soo dhigtay boggeeda Twitter ee haatan la masaxay
Waxay farriintaan soo dhigtay boggeeda Twitter ee haatan la masaxay