New Delhi (Caasimadda Online) – Gabar ayaa guursatay eey si ay uga farxiso qoyskeeda, kuwaasoo filaya haddii ay sidaan sameyso inay iska ridi doonto habaar ay aamisan yihiin inuu ku dhacay.
Ka dib xaflad la yaab leh oo dhacday, 18 sanno jirta Mangli Munda ayaa xariga ku dhegtay oo wadatay eeygaan oo uu usoo xulay aabaheed, iyadoo asxaabteedii xaafadda ku taalla gobolka Jharkhand, ee dalka India ay sheegeen inay habaarka ku dhacay iyada ay isaga soo reebi doonto xayawaanka.
Munda ayaa tiri: “Kuma aan faraxsani guurkaan.”
Ninkeeda, eegyga lagu magacaabo Sheru, ayaa xitaa yimid arooskiisa iyadoo lagu waday gaarigiisa, inkastoo uusan xayawaankaani yaqiinsaneyn waxa dhacayey.
Xafladaan ayaa qeyb ka ah dhaqanka xaafaddaan taasoo haweenka dhalintayar marka hore looga guuriyo eeyaha, ka dibna marka ay guursato nin bani aadam ah, laga aamisan yahay xaafaddaan inuu guurkaasi noqon doono mid waara muddo dheer.
Hooyada dhashay Mangli ayaa tiri: “Waa inaan lacag ku qarash gareynaa arooskaan. Tani waa wadada keliya ee aan gabadheena uga reebi karno nasiibkeeda xun isla markaana aan ku hubin karno kalgaceylka xaafadda.”
Waxkasta ayuu qiyaas ahaantii arooskaani ugu shabbahay qaabaalka aroosyada ay dhigtaan dadka Hindu-ga ah, iyadoo eegya Shenu uu si dulqaad leh u fadhiyey gacanta midig ee gabadha loogu calmaday inay noqoto aroosaddiisa, inkastoo arooskiisa loo qasday keliya inuu Mangli u ogolaado inay hesho lamaane ku habboon mustaqbalka.
Waxay tiri markale: “Haa, waan guursan doonaa nin maalin uun. Gabar kasta ayaana ku riyoota inay guursato boqor.”





- Warbixintaan la yaabka leh waxaa daabacday jariiradda The Metro Ee Dalka England