Shaki weyn oo laga muujiyay heshiiskii Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online)-Mid ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka ayaa shaki ka muujiyay heshiiskii dhawaan Kismaayo ay ku gaareyn Korneel Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, kaasoo la xiriiray in lagu soo afjaro dagaallada u dhexeeyay.

Maxamed Maxammuud Yuusuf Aw-libaax oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayaa sheegay heshiiskaas in uu muujinaayo in si awood qeybsi ah loo qeybsato ergooyinka ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Kismaayo bishan.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay haddii ay rabaan in ay wax hagaagaan in ay awooda kaliya ku koobin maamulka Axmed Madoobe.

Wuxuu tusaale u soo qaatay haddii dhinaca Axmed Madoobe laga siiyo 400 oo xubnood in Barre Hiiraalena la siiyo 400 oo ergo si shirka uu noqdo mid loo siman yaha.

Ugu dambeyn wuxuu shaki ka muujiyay heshiiska Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe wuxuuna codsaday in dib loo eego heshiiskaas haddii la rabo in ay wax hagaaggaan.

Hadalka Aw-Libaax ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo ay heshiish ku gaareyn Korneel Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo ku dagaallamay Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com