Xog: Hargeysa oo laga baadi-goobayo Wasiir ka tirsaa dowladii Sheikh Shariif

Hargeysa(Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Maamulkaasi ay baadi-goob adag ugu jiraan  Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Beeraha Dawladii Sheekh Shariif  Sheikh Axmed oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Bilaal (Ayax) isla markaana ahaa Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsanaa.

Ciidamada Ammaanka Maamulka madaarka Hargeysa ayaa bil kadib ka war helay in uu garoonka Hargeysa kasoo ka degay Ayax oo xilal kala duwan ka qabtay DKM aheyd, waxaana iminka raadinaaya Ciidamada.

Ayax ayaa waxa uu Hargeysa ku galay dhuumasho, maadama Maamulka Somaliland ay mamnuucday in garoonada ku yaalla Deeganada ay ka arimiyaan kasoo degi Karin Mas’uul xil kasoo qabtay Dowladihii KMG iyo tan Federaalka ah.

Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Xukuumaddii hore ee  Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) oo ka soo jeeda Beesha Barriga Burco, ayaa waxa uu iminka ku dhuumaaleysanayaa Magaaladda Hargeysa, halka warar hoosane ay sheegayaan inuu halkaasi u gaaray si loogu  magacaabo xil.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland weli wax go’aan ah kama soo saarin in cafis ay u fidisay Siyaasiyiinta ka tirsan DF ee gaaraya Hargeysa iyo in kale.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

caasimada@live.com