Xog: Xasan Sheikh & Barre Hiiraale oo ku kulmay Villa Somalia kana hadlay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in kullan xasaasi ah uu Madaxtooyada Somalia ku dhex maray Madaxweyne Xassan iyo Col. Barre Hiiraale.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in kullanka uu socday ku dhawaad laba saac, waxaana la Tilmaamayaa inay kawada hadleen nabadda Gobalada Jubbooyinka iyo kaalinta Barre uga aadan.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Col. Barre Hiiraale kala hadlay xal u helida Khilaafaadka ku harsan Jubbooyinka, ka qeybqaadashada shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo, Nabadda iyo horumarinta Maamulka KMG Jubba.

Barre ayaa waxa uu Madaxweynaha u sheegay in dhankiisa ay kasoo idlaatay colaada iminkana uu diyaar u yahay inuu wax la qeybsado dadkiisa, isagoona Tilmaamay inuu ka qeybqaadan doono shirka ka furmi doono Kismaayo.

Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa sheegay inay muhiim tahay xal uhelida mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka, dhankiisuna uu diyaar u yahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadda iyo dib udhiska Gobalada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan, ayaa ku ammaanay Barre Hiiraale sida uu u aqbalay door ka qaadashada nabadda Jubbooyinka iyo ka qeybgalka shirka arimaha Jubbooyinka looga hadlaayo oo Bishan gudaheeda ka dhacaayo Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu ballan qaaday inuu xoojin doono dhankiisa kaalinta Hormarineed iyo nabadeynta Deegaanka Jubbooyinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay wada qaadan doonaan kullamo ka duwan kan ay xalay qaateen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com