Liiska magacyada dadkii ku dhintay iyo kuwii ka bad-baaday dooni ku degtay..

Muqdisho (Caasimada Online)-Shabakada Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay Muqalasiinta Soomaalida ee rara doonyahay ka baxa Xeebaha Dalka Libya ayaa inoo xaqiijiyay in Doonyihii ugu dambeeyay ee ku qalibmay Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga ay u badnaayen Dhalinyaro kasoo jeeday Deegaanada Maamulka Somaliland.

Waxa ay sheegen in doontii ugu dambeysay ay ku geeriyooden 97 tahriibe oo u badan reer Somaliland, kuwaas oo ay doontii ay saarnaayeen kula gadoontay badda dhexdeeda, xili ay kusii jeeday wadanka Talyaaniga.

Doonta ayaa waxaa laga badbaadiyay 23 ruux oo u badnaa dhallinyaro ka socdaashay Magaalada Hargeysa, waxa ayna doonta gadoontay ka dib markii ay dadweynihii doonta saarnaa qaar ka mid ah uu dagaal dhex maray sidaana ay doonta ugu badatay dhinac una qalibmatay.

QAAR KAMID AH DADKII BAD-BAADAY:-

1-Kawsar Axmed 25 Jir

2-Xamda Cabdi 18 Jir

3-Canjeex 28 Jir

4-Khaliif Xassan C/llahi 32 Jir

5-Axmed Faarax 27 Jir

6-Daahir Loox 34 Jir

7-Maxamuud Maxamed 23 Jir

8-Rahuul Xassan 21 Jir

9-Cabdillaahi Laangare 31Jir

10-Xamse Haji Cabdi-Ladiif 22 Jir

11-Sooraan Mustaf 30 Jir

12-Maxamed Cawil 19 Jir

13-Cabdinaasir Nor 26 Jir

14-Fartuun C/llahi 21 Jir

15-Xabiibo Xassan Aadan 34 Jir

QAAR KAMID AH DADKA DHINTAY:-

1- Xamda xaashi Cali

2-Aniso Cabdilahi Faarax

3-C/lahi Axmed

4-Nuuradiin Aadan ‘’Muriidi’’

5-Jabir jeylaani

6-Nasteex Cumar

7-Ismail xaji xassan

8-Nasrudiin C/risaaq

9-Xamdaan Cabdi-samad

10-Mustaf Xusein Aadan

11-Axmed xaashi

12-Cabdi-salaan Buux

13-Saadaq Axmed-nuur

Naga filo Magacyada harsan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com