Nidaamka Azaaniya ee Prof. Gaandi oo soo saaray go’aanno muhiim ah oo ku wajahan Jubbooyinka (Arag Sawirrada)

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY NIDAAMKA AZAANIYA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3/9/2014, waxaanu Saxaafadeedda u soo bandhigeynaa, mowqifka iyo aragtida nidaamka Azaaniya oo ka kooban qodobadan soo socda:

  1. Bogaadin iyo Hambalyo.
  2. Mahadcelin
  3. Fikirka iyo mowqifka nidaamka Azaaniya.
  4. Talo soo jeedin
  • BOGAADIN IYO HAMBALYO.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku bogaadineynaa, hannaanka nabadeed ee ay u martay, sidii ay u dhammeyn laheyd colaadii iyo dagaaladii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay deegaanka Juba, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu ugu hambalyeyneynaa Dowladda Federaalka ee Soomaliya, guushii ay ka gaartay nabad ku soo dabaalidda, ciidamadii hubka isla hor fadhiyey ee kala joogay Kismaayo iyo Goobweyn.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu ku boorinayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyaga oo qaadaya waddada saxda ah oo caddaaladda ku dhisan, in ay dadaalkaas wadaan ilaa uu soo afjarmo geedi socodka nabadda ee deegaankan.

  • MAHADCELIN

Nidaamka Azaaniya, wuxuu u mahadcelinayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan, ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya, doorkii ay ka qaateen, barnaamijka dib u xoreynta ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan deeganada Jubbooyinka iyo Gedo.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu si gaar ah ugu mahadcelineynaa Dowladda Kenya, kalaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ka qaadatay, martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo mudadii  dheereed  ee  uu socday, barnaamijka maamul u sammeynta gobolada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo.

Waxaan soo dhoweyneynaa aragtida tibaaxeysa, in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya. Dadkaas ku nool xeryaha qaxootiga sidaan wada ogsoon nahay, waxay heystaan nabad, nolol, caafimaad iyo waxbarasho. Waxaan ka soo horjeednaa, in dadkaa si dhayal dhayal ah oo aan ka fiirsi laheyn lagu raro. Si aragtida dib u celinta loo hirgaliyo, waxaan qabnaa, in tallaabooyinka soo socda la tixgeliyo, lagana horreysiiyo raridda qaxootiga.

  1. Waa in la xoreeyo deegaanada, lana sugo  ammaanka goobaha la dejin doono qaxootiga.
  2. Waa in daraasaad la sammeeyo, sidii dadkaa loogu abuuri lahaa hab nololeed ku saleysan rabitaankooda sida:  Beeraleey, xoolo dhaqato iyo kalluumeysato.
  3. Waa in la sahmiyo rugaha ku habboon beeraha, Xoolaha iyo kalluumeysiga.
  4. Waa in la kafaaloqaado qaxootiga dib loo dejinayo, muddo lix bilood ah hooygooda, noloshooda, caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, inta ay kala qabsanayaan nolosha cusub.
  • Fikirka iyo MOWQIFKA NIDAAMKA AZAANIYA. 

Waxaan u caddeyneyna dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanka Jubbooyinka iyo Gedo, arrimaha soo socda:

  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu soo bilaabay, soona waday barnaamijka maamul u sammeynta deegaankan, muddo ka badan Lix (6) sano.
  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu si buuxda u caddeynayaa, in aanu ka mid ahayn, maamulka KMG ah ee Juba, oo hadda ka jira deegaanka, guushiisa iyo guuldaradiisana aanu wax shaqo ah ku laheyn.
  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu ku bilaabay barnaamijka, in dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadka deegaanka Jubbooyinka iyo Gedo ay helaan, Nabad iyo horumar nololeed, oo ku dhisan sinnaan iyo caddaalad, walina nidaamka Azaaniya wuxuu heegan u yahay, siiwadidda hooshaa, inta laga gaarayo hadafkaa.
  • Nidaamka Azaaniya, wuxuu soo dhoweynayaa, kaalin mug lehna ka qaadanayaa, hannaan kasta oo wada hadal nabadeed iyo dib‐u‐heshiisiin loogu sammeynayo ummadda Soomaaliyeed oo dhan, siiba kuwa ku dhaqan deegaankan.
  • TALO SOO JEEDIN.

Nidaamka Azaaniya, wuxuu talo ku soo jeedinyaa:

  1. In la sammeeyo guddi dib‐u‐heshiisiin, oo ka madax bannaan maamulka KMG ah ee juba.
  2. In dadka deegaanka loo furo wada hadal nabadeed iyo dib‐u‐heshiisiin, iyadoo ay saldhig u yihiin oday dhaqameedyadii ka qeyb qaatay, ansixintii Dastuurka iyo xulkii xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Beelaha deegaanka ee oday dhaqameeyadoodu aanay fursad u helin, in ay ka qeyb galaan ansixintii Dastuurka iyo xulkii xildhibaanada qaranka waa, in  ay ka qeyb galaan shirkan dib‐u‐ heshiisiinta.
  3. Waxaan soo jeedineynaa, in Dib‐u‐heshiisiinta ay yeelato laba weji. Heerka koobaad wuxuu noqon dib‐u‐heshiin dhaqan, oo ay isugu imanayaan Beelaha deegaanka deggan iyo doobabkooda. Heerka labaad wuxuu noqon dib‐u‐heshiin siyaasadeed oo la isugu keenaaayo ururadii iyo Nidaamyada ku abtirsadaan deegaanka. Labada heerba, dib‐u‐heshiisiinta dhaqanka iyo midda siyaasaddaba ( sida xullidda xildhibaanada),  waxaa saldhig u noqonaya Odayaal dhaqameedka Rasmiga ah.
  4. Haddii ay dhacdo, in baarlamaan hadda la xulo, wuxuu noqonayaa, baarlamaan KMG ah oo wakhtigiisu uu la dhammaado maamulka KMG AH ee juba 14/5/2015. Baarlamaanka Rasmiga ah, waxay xulistiisa bilaabaneysaa, marka uu dhamaado Xilliga KMG ah.
  5. In dib‐u‐heshiinta ay ka soo baxda qorsho howleed (Road map), qeexaya  bilowga iyo dhammaadka barnaamijka ku meel gaarka ah (15/5/2013 ilaa (14/5/2015).
  6. Waa In wax ka soo baxayo dib‐u‐heshiisiinta, lagu caddeeyo doorka dumarka ee Mamulka dhalan doono.
  7. Waxa jira fikiro oranaya, in dib‐u‐heshiinta  lagu qabto gobolka Gedo, Nidaamka Azaaniya wuxuu taageerayaa fikirkaa, wuxuu soo dhoweynayaa, in dib‐u‐heshiisiinta gogosheeda la dhigo gobolka Gedo.
  8. Nidaamka Azaaniya, wuxuu ku talinayaa, in degmooyinka aan weli la xoreyn  loo deg dego xoreeyntooda, si Bu’aale oo ah magaalo madaxda maamul goboleedka, ay u noqoto meel xor ah oo lagu shaqeyn karo.
  9. Nidaamka Azaaniya, wuxuu soo jeedinayaa, In dib loo eego doorka IGAD ee Soomaaliya, waana in ay kala caddaato doorka IGAD ee Soomaaliya in uu  yahay mid Fulineed iyo in uu yahay fududeyn  ah.

Sawirrada kullanka

azaaniya (1)azaaniya (1)azaaniya (2)azaaniya (4)azaaniya (5)azaaniya (6)