10 kun oo SOMALI ah oo ficil la’aaanta DF darteed ugu xayiran dalka Sweden

Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka Caalamka ee qaabila qaxootiga Soomaalida oo inta badan dalkooda uga cararay dagaalada qabaailka iyo kuwa diimaha ee ka jiray Soomaaliya laga soo bilaabo 1991-dii. Dalkaani oo ka mid ah dalalka Caalamka ee lagu tilmaamo dhexdhexaadka, siyaasadiisu tahay qunyar socodka, Soomaali badana ay ku nooshahay kuna heysato amaan iyo nolol wanaagsan inkastoo ay aad u yar tahay dadka Soomaalida oo hela shaqooyinka.

Dawladda Sweden waxay Soomaaliya u magacaabatay Safiir, Safiirkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya ka qabtay warqadii Magacaabida Safiirnimo Haddana Dalka Soomaaliya weli uma magacaaban Dalka Sweden Safiir matela dadka Soomaalida oo ay halkaasi ku heysato Dhibaato aan haysan Dalalka kale ee Caalamka ee qaxootiyadoodu yimaadaan Dalka Sweden. Qofka Soomaaliga ah waxaa mudo 3 sano ah ku cadibnaadaa , dhalashada wadankaas looga hakiyaa oo uu ku waayaa xuquuqda ay leeyihiin Qaxootiyada kale inaan la cadeyn Karin inuu Soomaali yahay!

Qaxootiga Soomaalida Waxaa u gaar ah in dalka Sweden uusan aqoonsanayn baasaboorka Soomaaliga, intaas kuma ekeynine haddana Dawladda Sweden Qaxootiga Soomaalida waxay ku xujeysaa inaad Soomaali tahay Maxaa cadaynaya? Safaaradii cadeyn lahayd qofka Soomaaliga ahna meeshaa ma joogto oo soomaaliya uma magacaaban Safiir Dalka Sweden.

Qaxooti Soomaali ah oo Tobonaan kun gaaraya ayaa Dawladda Dalka Sweden waxaa ay dhalashada wadanka Sweden ee qaxootiga la siiyo mudo 5 sano ah kadib markii uu wadankaa ku noolaado, buuxiyana shuruudaha iyo sharciyada wadankaa uga haysataa oo kaliya yaa cadeynaya inaad tahay Soomaali? Arintaas daraadeed ayaa qaxootiga Soomaalidu waxaa ay ku qaadataa inuu helo dhalashada wadankaa mudo 8 sano ah, taasoo ka dhigaysa in qofka soomaaliga ah cadeyn la’aan inuu yahay Soomaali darted muddo 3 sano ah uga bedelnaado qaxootiyada kale eek a yimaada Caalamka kale ee dagaalada ka jiraan.

Miyeyna astaahilin Caqabadaa gaarka u ah Qaxootiga Soomaalida Sweden darteed in Dawladda Soomaaliya u magacaawdo Safiir Dalka Sweden , safiirkaas oo ah mid daacad ah oo isaga oo la kaashanaya odoyaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada Soomaaliya cadeeya oo kaliya qaxootiga ka yimid Dalka Soomaaliya.

Dawladda Sweden oo xaqiiqdii lagu tilmaami karo Hay’ad inta badan ilaalisa Xaquuqda Muwaadiniintooda iyo qaxootiga-ba ayaa arintaan gaarka u ah Qaxootiga Soomaalida ay tahay mid ku xad gudbaysa Xaquuqda Qaxootiga Soomaalida, Sharcigaan ayaa ah mid qofka Soomaaliga ah, qaxootigana ku ah Dalka Sweden ku ciqaabaya arin ah inaad tahay Soomaali ma xaqiijin karno, arintaas darteedna qofka xuquuqdii uu kula mid noqon lahaa qaxootiyada kalana ugu bedesha mudo dheer oo 3 sano ah.

Dawladnimadu waa in Muwaadinka soomaaliga meeshuu doono ha joogee loogu shaqeeyo, looguna ilaaliyo xaquuqdiisa Soomaalinimo hadii uu dalkiisa joogo iyo hadii uu qaxooti ku yahay dalalka Caalamka. Dalalka Caalamka waxaa ay ka fikiraan oo waqti iyo dhaqaalo badan geliyaan hadii qof u dhashay dalkooda dhib ku gaaro wadan kale ama muwaadinimadiisa shaki la geliyo, halka dawladda Soomaaliya aysanba ogeyn in tobonaan kun Soomaali ah ku haysato dalka Sweden inaad Soomaali tahay ma xaqiijin Karno, arintaas darteedna xuquuqdooda meel looga dhaco.

Qaxootiga Soomaalida ee Dalka Sweden ayaa ka warsugaya in Dawladda soomaalida usoo magacaawdo Dalka Sweden Safiir iyada oo fiirinaysa tobanaanka kun oo muwaadiniinta soomaalida ah dhibaatada gaarka ah ku haysato Dalka Sweden, Dhibaatadaas oo ah cadeyn la’aan qofka soomaaliga ah inuu yahay Soomaali kazoo jeeda dalka soomaaliya. sidoo kale Dawladda Soomaaliya waa in ay uga mahadcelisaa Dalka Sweden tobanaanka kun Soomaalida ah oo ay dalkooda ku qaabileen, siiyeena sharciyada dalkaas, sidoo kalana kala hadlaan dhibaatada gaarka u ah Qaxootiga Soomaalida, lana meel dhigtaa dalka Sweden qaab lagu cadeeyo qaxootiga ka soo jeeda dalka soomaaliya Soomaalinimadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com