Maxaa baajiyey fadhiggii BF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, kaasoo sheegay in howllo culus oo soo baxay darteed in uu dib ugu dhacay kal fadhiggii shannnaad ee golaha baarlamaanka oo lagu waday in uu qabsoomo 10-ka bishan.

In kastoo uusan faah-faahin howlaha culus ee soo baxay, haddana wuxuu ku soo koobay in ay howlahaas yihiin arrimo farsamo.

Jeylaani Nuur Iikaar ayaa dhinaca kale daaha ka qaaday 10-ka bishan in ay kulan gaar ah yeelan doonaan golaha wasiiradda xukuumadda iyo guddiyadda joogtada ee baarlamaanka, kuwaasoo arrimo xasaasi ah ka hadli doona sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale kulankaas oo ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa in ay shir guddoomin doonaan golaha wasiiradda.

Guddoomiye Jeylaani ayaa ku wargaliyay xildhibaannada baarlamaanka ee qeybta ah guddiyada joogtada ah ee uu baarlamaanka lee yahay kuwa dalka ku sugan in ay isku diyaariyaan kulankaas kuwa kale ee maqan in ay degdeg dalka ugu soo laabtaan sidda uu markale sheegay.

Ugu dambeyn wuxuu iclaamiyay in kal fadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya in uu furmi doono 20-ka bisha September ee sannadkan.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa kal fadhigga soo socda waxaa laga doonayaa in ay ku qabtaan howlo badan oo la rabay in ay qabtaan kulamadii horre balse dib uga dhacay sababo badan oo jiray.

Baarlamaanka siddoo kale waxa aaney meel marin sharciyo dhowr ah oo ay soo gudbisay xukuumadda kuwaasoo qaar muhiim ah u dalka.

Wax yaabaha hor yaalla waxaa ka mid ah sameynta nidaamka axsaabta badan iyo dhammeestirka dastuurka kumeel gaarka ee dalka ka hor 2016 oo la rabo in wax kasta ay diyaar yihiin si dalka ay uga dhacaan doorashoo xor ah.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com