Amisom oo loo sheegay inay ka qeyb qaadato qorshe ka socda garoonka….

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu ballaarinaayo howlaha uu bulshadda u hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana laga dhigo mid la mid ah garoomada caalamka ku yaalla.

Wasiirka gaadidka iyo hawada xukuumadda Soomaaliya, Siciid Jaamac Qorsheel ayaa warbaahinta u sheegay in uu socdo mashruuc la rabo in garoonka la dhigo mid shaqeeya habeenkii halka uu hadda yahay garoon shaqeeyo uun maalintii.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka oo hadda ay ka socdaan howllo dib u casriyeen iyo in la ballaariyo oo mardhow lagu xiro doono Nalalka garoonka si habeenkii ay diyaaradaha ugu soo daggi karaan.

Wasiir Qorsheel ayaa tilmaamay maadama AMISOM garoonka ay isticmaasho isla markaana ay ka baahi badan tahay Soomaalida in lagu wargaliyay in ay ka qeyb qaadato qorshaha la doonayo in uu garoonka shaqeeyo habeenkii, wuxuuna tilmaamay in ay oggolaadeen in ay ka qeyb qaataan mashruucaas.

Shirkad laga lee yahay dalka Turkiga ayaa hadda gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana ay ka wadaa shirkadaas dhismooyin iyo dib u casriyeen si garoonka uu u noqdo mid caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay siddii uu garoonka Muqdisho u noqon lahaa mid shaqeeya xilliga habeenkii ah.

Garoonka ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxa uu noqday mid ay soo fadhiistaan diyaarado badan oo qaar ka yimid Yurub iyo Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com