Teleefishinka Puntland oo hawada uga maqan dhaqaale la’aan darteed (XOG)

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa hawada ka baxay Telefishinka Puntland kadib markii la bixin waayay lacagta kirada 4 bilood ee u danbeysay taas oo ay yeelatey shirkada Satellite-ka isla markaana sababtey inuu gabi ahaan-ba Puntland Tv hawada ka baxo.

Mas’uuliyiinta Idaacadda iyo Tv-ga Puntland ayaa ku xog waramay inaan la bixin bilihii lasoo dhaafey kharashaad faro badan oo ay ku shaqeyn jirtey warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, kuwaas oo caqabad ku noqday inay sii socoto shaqada warbaahintu.

Shirkada iska leh Satellite hawada uu ku maro Puntlandtv ayaa bishiiba kiro u qaadata lacag dhan $ 11,500,000 (Kow iyo Toban kun iyo Shan boqol oo dollar ) taas oo aan la siin afartii bilood ee lasoo dhaafey islamarkaana ku yeelatey PuntlandTv cadadka lacag dhan $ 46,000 (Afartan iyo Lix kun ) oo dollar.

TV-PuntlandSidoo kale waxa aan la bixin kharashka iyo mushahaarka 7-dii bilood ee u danbeysay shaqaalaha London ee Warbaahinta Dowladda Puntland kuwaas halbowle u ah shaqada warbaahinta gaar ahaan Puntlandtv madaama ay maamulaan xarunta uu ku yaalo Satellite uu isticmaalo Telefishinku.

Waxaa kale oo ka mid ah deymaha lagu yeeshay Warbaahinta Puntland adeega Internet-ka ay ku shaqeyso oo ah mid ugaara xarunta warbaahinta ee magaalada Garowe, bil walbana laga bixin jirey kharash dhan $ 5,000 (Shan kun ) oo dollar, islamarkaana aan la bixin shantii bilood ee lasoo dhaafey laguna yeeshay lacag dhan $ 15,000 (Shan iyo Toban Kun ) oo Dollar.

Wariyaasha iyo Shaqaalaha ka howl-gala xarunta warbaahinta ee ku taal magaalada Garowe ayaa sidoo kale uu ka maqan yahay mushahaarka muddo labo bilood ah, halka ay usii dheer tahay , iyada oo aan la bixin kharashka shidaalka gadiidka iyo matoorada u shaqeeya xarunta Garowe oo aan la helin dhowr-kii bilood ee lasoo dhaafey.

Culeysyada isbiirsaday ee lasoo gudboonaadey Warbaahinta Puntland ayaa imaanaya xilli uu safar ku tagey maalintii shalay magaalada Bosaso Agaasimaha guud ee Idaacada iyo Telefishinka Puntland,C/fataax Ashkir Nuur oo sida la aaminsan yahay socdaalkiisu la xiriiro sidii uu uga soo heli lahaa bangiga dhexe ee magaalada Bosaso dhaqaale lagu asturan ceebaha banaanka is keenay.

Amuurtan soo shaac baxday ayaa sidoo kale imaanaysa xilli si la mid ah mushahaar aysan u helin lixdii bilood ee lasoo dhaafey inta badan ciidamada iyo shaqaalaha Dowlada Puntland.

Dad badan ayuu dhakafaar ka haystaa halka loo isticmaalo dhaqaalaha usoo xerooda Xukuumada , madaama uusan jirin isbedel ku yimid Ilihii iyo goobihii horrey uu uga soo xeroon jirey dhaqaalaha Puntland.

Isha: Puntlandfox