Haweeney soo ‘afduubatay’ caruur oo lagu qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta gacanta ku dhigay haweeney la sheegay inay caruur soo xaday, taas oo lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haweeneydaasi goor dhow lagu qabtay xaafadda lagu magacaabo, Xasan Jiis oo ka tirsan degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in marka la qabanayeyay ay la socotay mooto ay ku wadatay labo cunug, waxaana ceyrsanayey dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammanka oo ka ag-dhowaa goobta ayaa markii dambe ku soo baxay buuqa, waxayna gacanta ku dhigeen haweeneydaas iyo ilmaha ay wadatay.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacantay haweeney kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen falkaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in haweeneyda la geeyey saldhigga.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa cabsi xoogan oo ku aadan caruurta la xado oo aad ugu soo badanayey caasimada, iyadoona shalay ay ugu dambeysay gabar 18 jir aheyd laga afduubtay gudaha degmada Howl-wadaag, sida ay warbaahinta u sheegeen waalidiinteeda, sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii labo nin oo ku sugnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu qabtay falkan oo kale.