Daawo: Haweeney xaamilo ah oo 6 bilood Guriceel ugu xiran qaan 52 kun oo dollar ah

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan kiiska Hooyo Xaamilo ah oo 6-bilood ku xiran saldhigga degmada, hooyadaas waxaa loo heystaa lacag dhan 52 kun oo dollar.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Xaawo Cabdullahi Nuur, waxay dhashay sagaal carruur ah, hadda waxay leedahay uur bila dhamaystay, waxay ka shaqey jirtay dhoofinta Ariga jarka ah, waxayna khasaartay lacag dhan $52 kun.

Dadkii ku lahaa lacagta ayaa dacweeyey, waxaana lix bilood ka hor lagu xiray xabsiga Guriceel, ninkii ay u dhashay carruurta ayaa xabsiga ku dhex furay, isagoo ka cararaya qaanta lagu yeeshay gabadhaan, sid ay u sheegtay warbaahinta.

Weriyaal loo ogolaaday inay wareystay ayaa Hooyo Xaawo shalay ku booqday xabsiga, waxay sheegtay sababta loo xiray, waxay ka deyrisay xaaladeeda caafimaad, waxayna sheegtay in lagu xiray qol neef-diid ah oo ah kan ugu nolosha adag qolalka maxaabiista.

Baahintaas kadib, waxaa cirka isku shareeray kiiska Hooyo Xaawo, dad badan ayaa ka carooday sida loola dhaqmay haweeneydaan xaamilada ah, ayadu waxay ka soo jeedaa Dhuusamareeb, balse ninka furay ee 9-ka cunug ay u dhashay, hadana ay uurka u leedahay ayaa ka soo jeeda Guriceel.

Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Hudey ayaa caawa ka hadlay kiiskaan, wuxuu sheegay in isagu uu u yeeray warbaahinta, si dadka wax heysta loogu bandhigo qaanta loo heysto gabadhaan, sidoo kale wuxuu beeniyey in qol neefdiid ah lagu xiray gabadha.

Sidoo kale Xaawo oo mar kale maanta warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in booliska ay ka heshay wixii ay gacan u awoodeen, balse iskeed ay isaga xanuunsaneed, ciqaab gaar ahna aan loogu geysan xabsiga.

Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Guriceel oo is abaabulay ayaa Maamo Xaawo maanta ka soo damiintay xabsiga, sidaas ayey ku timid banaanka lic bilood kadib, waxaana lagu wadaa in dhawaan laga bixiyo lacagtii lagu lahaa oo hadda uruurinteedu ay socoto.

Hoos ka daawo