Haweeneydi Al-Shabaab u qaabilsaneyd kaydinta hubka oo xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay (Faadumo), kadib markii lagu helay inay ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in Deeqo lasoo qabtay bishii February ee sanadkan, kadib howlgal ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Waxay haweeneydaan oo 28 san jr ah Al-Shabaab uga biirtay deegaanka Ceelasha Biyaha muddo hadda laga joogo labo sano, waxaana ku qal-qaaliyey nin saaxiib la’ah Odaygeedii hore oo isna Al-Shabaab ka tirsan, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Yuusuf, balse ay kala tageen sanadkii 2018-kii, sida lagu sheegay war kasoo baxay maxkamadda.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in marka lasoo qabanayey ay ku howlaneyd warbixin ka dirista xaaladda guriga uu daganaa askari horey loogu dilay degmada Kaaraan.

Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi kusii dartay in guriga haweeneydaan laga soo helay Bam-gacmeen iyo Bistoolad 7 xabadood wadata.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale xusay in Deeqo Maxamed Xuseen ay Al-Shabaab si gaar ah uga shaqeyneysay kaydinta hubka iyo hubinta howlgallada kooxda.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa haweeneydaan ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kaas oo ay ka qaadan karto racfaan 30 cisho gudahood.