Hawiye oo dhistay guddi ka shaqeeya arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka galabta la weeraray ee Afriik waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye, kaas oo looga arrisanayey xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo maqaamka gobolka Banaadir oo dhawaan loo saxiixay 13 senator oo metelaad ah.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Hawiye ee maanta ku shiray Afriik waxay iska dhex magacaabeen guddi ka soo shaqeeya dhismaha maamul lasoo doorto oo uu yeesho gobolka Banaadir.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maalin ka hor uu madaxweyne Farmaajo saxiixay qaraar 13 kursi oo metelaad ah golaha Aqalka Sare looga siinayo gobolka Banaadir, waxayna tallaabadaas abuurtay guux iyo kala shaki hor leh.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odaasha dhaqanka beelaha Hawiye ma diidana in gobolka Banaadir 13-kaas kursi laga siiyo Aqalka Sare, balse waxaan cadeyn, oo shaki badan uu ku geedaaman yahay hanaanka loo soo dooranayo, dastuurkana loo waafajinayo kuraastaas.

Weerarka ayaa hotelkaas ka bilaawday wax yar un kadib markii uu soo dhamaaday shirkaas, balse waxaa isla markaas Hotelka ka bilaawday shir kale oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka beesha Ceyr, kaas oo ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale.

Jeneraal Sheekh Yuusuf Indhacadde oo warbaahinta uga warbixiyey weerarkaas ayaa sheegay in ciidankiisu ay hotelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo nabad qaba, isla markaana uu howlgalkii ka socday hotelka ku wareejiyey ciidanka Haramcad oo goor dambe hotelka gaaray.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey Hotelka oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in kooxda aysan u suurta gelin inay si aad ah isugu faafiyaan gudaha Hotelka, isla markaana ay ka dagaalamayaan qeybaha soo xiga irida ay ka soo galeen ee Hotelka.