Beesha caalamka oo war kasoo saartay go’aankii madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii uu madaxweyne Farmaajo ku iclaamiyey qabashada shirka ‘Madasha Wadatashiga’ oo berri ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirkaas ayuu madaxweynuhu u qorsheeyey inuu ku qabsoomo inta u dhaxeysa 1-da illaa 3-da bisha Feberaayo, sida lagu sheegay qoraal maalin ka hor ka soo baxay xafiiskiisa, waxaana la filayaa in berri wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo uu gaaro Dhuusamareeb.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30-kii Janaayo uu Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada  Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhinacyada isugu tegaya shirkaas inay la yimaadaan daacadnimo, firfircooni iyo isku tanaasul, si loo helo talo mideysan oo wax tar u leh danta Qaranka.

“Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.