A/Madoobe oo James Swan u bandhigay sida ay tahay in lagu xaliyo xiiisadda Gedo

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (James Swan) iyo madax kale oo ka socotay hay’adaha kala duwan ee QM.

Axmed Madoobe ayaa James Swan ku war-geliyey mowqifka Jubaland ee ku aadan arrinta gobolka Gedo, iyo sida ay dooneyso in Jubaland lagu xaliyo. Wuxuu sidoo kale kala hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubaland.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA JUBALAND

Axad 31 Janaayo 2021 – Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad mudane Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubbaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland Hay’adaha Qaramada midoobey.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“Dowlada Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey mudane James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”.

Dhanka kale Wasiirada Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey hay’adaha qaramada midoobey ee kala ah UNHCR, WFP, FOA iyo WHO kuwaas ay ka wada hadleen Mashaariicda hormarineed ee ay deegaanada Jubbaland ka fuliyaan iyo taageerada ay siiyaan waaxaha Beeraha, Kalluumeysiga, Qoxootiga iyo Caafimaadka oo hormar badan laga sameeyey muddooyinkii ugu danbeeyey.

Gabogabadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahadceliyey Hay’adaha sidookalena ku dhiiri galinayay wasaaradaha inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo fulinta qorshaha horumarineed ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’ada WFP oo fududeysey Maraakiibtii 30 sano ka hor ku burburtey dekeda taas oo caqabad ku heysay shaqada dekeda gaar ahaan qeybta ay maraakiibtu ku soo xirtaan taas oo ah hadda si caadiga ah loogu shaqo bilaabey.