Guddoomiyee ku-xigeenka G/Banaadir oo ka horyimid dhul ‘si sharci darro’ looga kiciyey shacab + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus uu soo kala dhaxgalay guddoomiye ku-xigeenada gobalka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud iyo Cali Yare Cali, khilaafkaas oo salka ku haayo dhul ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wardhiiigley. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in gudoomiye kuxigeenka ammiga Cali Yare Cali uu amar ku bixiyay in dad shacab ah laga kiciyo dhul ku yaalla xaafadda Siinaay ee Muqdisho, isagoo kaashanaya guddoomiyaha degmada Warta-nabada Seynab Xaabsey, oo fulisay amarka. 

Si kastaba guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanaboore ayaa ka horyimid barakicinta lagu sameeyey dadka shacabka ah.

Cabdulqaadir oo booqasho ku tegay halkaas ayaa sheegay in wax amar ah aan maamulka looga haysan dhibka loo gaysta shacabka iyo barakicinta lagu sameeyey, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo loo haystay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda dhexe aysan arrintan ka war-hayn.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in arrintan ay ka dambeeyaan dad doonaya inay shacabka boobaan, ayaga oo ka faa’iideysanaya xilliga kala guurka ee dowladda uu waqtiga uu kasii dhammaanayo.

Hoos ka daawo booqashadii uu maanta ku tegay Suuqa Siinaay iyo hadal uu ka jeediyey.