Maxaa maanta ka socda Dhuusamareeb, kadib shirkii uu iclaamiyey Farmaajo?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta aad loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kadib markii uu shalay shaaciyey madaxweyne Farmaajo in uu magaaladaas ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa maamulada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaban-qaabada shirkaas ayaa durtaba ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo uu madaxweynaha sheegay inuu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan 2021.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanaya muranka ka taagan hanaanka doorashada oo ay isku hayaan madaxda dowladda, mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo ka biyo diidan hanaanka ay dowladda federaalka u maamuleyso doorashada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa gebi ahaanba ciidamo hor leh lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada iyo xarumaha maamulka, kuwaasi oo qeyb ka ah u diyaar garowga shirka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo, oo cadaadis xoogan kala kulmaya beesha caalamka.

Maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya qaabilada wafuud kala duwan oo la filayo inay saacadaha soo socdaan ka dagaan magaalada Dhuusamareeb, maadama lagu wado in shirka wada-tashiga ah uu furmo maalinta berri ah, haddii uusan isbedel ku iman jadwalkiisa.

Shirka wada-tashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa waxaa saldhig u noqonaya heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meel-mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyada.