FARMAAJO oo soo saaray QODOB ka hor imanaya matalaadda G/BANAADIR

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban shan qodob, kaasi oo uu ku iclaamiyey shir lagu xalinayo arrimaha ku hor gudban doorashada Soomaaliya kadib kulan uu la qaatay Beesha Caalamka.

Qodobadaas uu soo saaray madaxweynaha waxaa ka mid ah qodob si cad uga hor imaanaya kuraastii 13-ka ahaa ee aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir, kaasi uu todobaadkii lasoo dhaafay uu saxiixay madaxweynaha

Qodobka ku jira war-saxaafadeedka ee burinaya kuraasta aqalka sare waa qodobka afaraad ee war-saxaafadeedka kaas oo leh:

“Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka September 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

Qodobkaan wuxuu soo koobay waxyaabaha shirka ka dhici doona magaalada Dhuusaamareeb looga hadlayo, waxaana saldhigga shirka wadatashiga ah lagu sheegay heshiiskii 17-ka September ay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku gaareen Muqdisho.

Marka heshiiskaas lagu laabto, kuma jirin arrimaha matalaadda gobolka Banaadir oo uu dhawaan ansixiyay madaxweyne Farmaajo, sida cad maadaama uusan ku jirin shirkii horay loo gaaray, laguma soo hadal qaadi doono marka la tago caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Marka la isugu tago caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa la gorfeyn doonaa sida loo xalin karo tabashooyinka jira ee ku hor gudban in la qabto doorasho xalaal ah oo loo siman yahay iyadoo lagu jaangoynayo heshiiskii horay loo gaaray bartamahii September.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed oo BBC-da la hadlayay ayaa la weydiiyay hadii ajandaha shirka Dhuusamareeb lagu dari doono 13-ka kursi ee gobolka Banaadir.

Wasiirka wuxuu sheegay inaan lagu dari doonin, raallina ka aheyn, wuxuuna qiray in wax walba oo ka dhacaya Dhuusamareeb ay yahiin wixii horay loogu heshiiyay oo lagu noqonayo.