Muxuu yahay QORSHAHA madaxweyne FARMAAJO ee shirka Dhuusamareeb?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay iclaamiyey shirweyne ay isugu imaanayaan madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka dalka, kadib shir uu la yeeshay beesha caalamka.

Shirkan oo ah mid aad isha loogu wada-hayo, islamarkaana ku soo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxaa ka hadlay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Samatar oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya shirka uu ku baaqay ee ka dhacaya gudaha magaalada Dhuusamareeb 1-da illaa 3-da bisha soo socota ee Febaraayo uu yahay mid uu uga fogaanayo in la’isku keeno mucaaradka & muxaafadka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in shirkan ay soo jeedisay beesha caalamka, islamarkaana ay tahay in xal looga gaaro doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

“Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne Farmaajo in fadhi guud la isugu yeero Mucaarad & muxaafid ayuu ku dhawaaqay in Dhuusamareeb markale la isugu tago, balse haddii aan laga gudbin oo aan la xalaaleen Guddiyada uu sameystay, Xiisadda Gedo & hab maamulka Guddiga Gobollada Waqooyi wax wanaagsan kalama kulmi doono Baarlamaanka, arrintuna waa jugjug oo bartaada joog” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey “Natiijada la kulanka Baarlamaanka waa mid ku xiran hab maamulka Shirka Dhuusamareeb iyo sida loo xakameeyo qodobada caqabadda ku noqday in la guda galo Doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyay,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeeday dowladda ay soo dhoweeyeen qabashada shirka Dhuusamareeb oo u jeedadiisu tahay in xal mideysayn looga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.