Hawiye oo go’aan culus ka soo saaray Muqdisho kuna dhowaaqay in loo diyaar garoobo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Hawiye, kaas oo laga soo saaray ku dhawaad 10 qodob oo looga hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu horeyn beelaha Hawiye ayaa bayaankaan ku cadeeyey inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoo soo dhaweeyey go’aankii uu dalka uga ceyriyey Madaxii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxgaradka beelaha Hawiye ayaa madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ku eedeeyey inuu bilaabay isku dirka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle, isagoo ‘isku dhacooda ka dhex arkaya danihiisa siyaasadeed.’

“Beelaha Hawiye waxay go’aansadeen inay daafacaan doorashada dalka, hadii laga deyn waayo carqaladeynta joogtada ah,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah war-murtiyeedkii ay maanta saareen waxgaradka beelaha Hawiye.

Waxay cadeeyeen in aysan u sii dul qaada doonin in Farmaajo uu sharci darro Soomaaliya ku sii xukumo ama doorashada dalka ay asaga u afduubnaato.

Sidoo kale beelaha Hawiye ayaa ku goodiyey in wadashaqeynta kala dhaxeysa ay jooji doonaan hadii Midowga Afrika uu u hoggaansami waayo go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble dalka uga ceyriyey danjirahoodii Soomaaliya.

“Beelaha Hawiye waxay ugu baaqayaan ciidamada qalabka sida in aan loo adeegsan dhibaateyta shacabkooda, iyagoo fulinaya dano gaar ah oo ay leeyihiin madax mudo xileedkii ka dhamaaday,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale beelaha Hawiye waxay beesha caalamka ku taageereen go’aanada cunaqabateyna loogu soo rogayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee carqaladeynaya doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyntii go’aanka beesha:

“Beelaha Hawiye waxay go’aan ku gaareen oo ku wargelinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, ciidamada, siyaasiyiinta, culumada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada, inay u diyaar garoobaan difaaca dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankii ay soo saareen waxgaradka beelaha Hawiye oo Muqdisho ku shiray.

Hoos ka daawo