25.3 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Hay’adaha socdaalka Mareykanka oo soo saaray go’aan cusub oo ka farxin doona Soomaalida dalkasi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay hakisay talaabooyinkii lagu qab qabanjiray dadka Somalida ee sharci darada ah.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in qorshihii laga lahaa qab qabashada laga gaaray isla markaana aysan dhici doonin in Soomaali danbe loogu tago guryahooda ama goobahooda shaqo.

Hay’adaha khuseeya socdaalka ee dalka Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Somalida in ay joojiyeen qab qabashada dadka Somalida ee sharci darada ah.

Safiirka DFS u fadhiya Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Hay’addu ay ka jawaabeysay cabasho ay safaaradda Somalia iyo sharciyaqaanno arrintan kala shaqeynayay ay u gudbiyeen Hay’adda.

Safiirka ayaa sheegay in cabashadooda ay ku qeexeen in talaabada noocaasi ah aysan aheyn mid lagu baarayo sharciga balse ay tahay mid lagu uguursanaayo Soomaalida.

Taalabada lagu uruurinaayay Soomaalida ayuu sheegay in bartilmaameed gaar ah lagu hayay Somalida, maadaama dhawaan Mareykanka laga soo musaafuriyay Soomaali badan.

Dhinaca kale, hakinta qab qabashada Soomaalida ayaa suuragalin doonta in kuw aan sharciga heysan ay dib ula midooban qoysaskooda maadaama ay ku kala tageen ugaarsiga lagu hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News