Galmudug: Fashilka wada-hadalka Ahlu-Sunna waxaa markiisa hore u sabab ahaa DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ahna Gudoomiyaha Guddiga wada hadalka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali, ayaa shaaca ka qaaday in DSF ay ku fashilantay ka miro dhalinta wadahadalka Galmudug iyo Ahlusunna.

Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay ka filayeen inay ku guuleysato wadahadalka balse ay kari weyday inay isku keento labada dhinac.

Waxa uu sheegay in gaabiska uu ahaa mid ka jiray dhanka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo uu sheegay inaysan isku taxluujin hanaanka saxda ah ee loo maro wadahadalka.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta, ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ku guuleysan weyday in ay Ahlusuna ku qanciso wada hadalka, ayna ka qeyb qaataan Nabadda.

Wasiirka Dastuurka waxa uu intaa raaciyay in wax walba ay ka socon waayeen dhanka Ahlusuna, ayna sii wadan doonaan Doorashada ka dhaceysa Magaalada Cadaado 30-ka Bishan.

Dhinaca kale, heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka aheyd Dowladda Federaalka, gaar ahaan qaar ka tirsan Wasiirada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com