Ciidamada ammaanka oo gordhow Muqdisho ku toogtay nin waday gaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka dowlada ayaa goordhow toogasho ku dilay nin looga shakiyay inuu geysanaayo weerar Ismiidaamin ah xili uu ka biya diiday baaritaan lagu sameeyo gaariga uu waday.

Ciidamada ayaa ninkaani ku dilay Isgoyska danwadaagta ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxa uuna dilkiisa imaaday kadib markii uu ka biya diiday inuu istaago isla markaana la baaro gaariga.

Ninkaani la dilay ayaa waday gaari nooca loo yaqaan Caasi oo aan la socon shaqsi kale waxaana looga shakiyay inuu ku fulinaayo weerar.

Falkan ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane gaar ahaan dhanka Iridka Madiina Gate, halkaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa waayadaani ka dhaca weeraro Ismiidaamin ah oo loo adeegsado gawaarida Caasiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com