Kheyre: Soomaalida waxaa lagu hayaa dulmi farabadan oo xalin u baahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somaliy Xassan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dulman Caalamka intiisa kale.

Waxa uu sheegay in Soomaalida meel waliba oo ay ka joogan dunida ay yihiin kuwo la kulma dhibaatooyin aad u farabadan waxa uuna sheegay in dhibtaasi ay ka bixi doonaan goortii ay hagaajistaan dalkooda.

Kheyre waxa uu tilmaamay in dhibaatooyinka qaar ee lagu hayo Soomaalida ay sababto in loo jaro naf muwaadin Soomaaliyeed, waxa uuna ku taliyay in Umadda Soomaaliyeed ay garwaaqsadaan dhibta ay la kulmayaan isla markaana ay dib u dhistaan dalkooda.

Waxa uu intaa raaciyay in Soomaalida lagu liido dalkasta oo ay ku nooshahay, islamarkaana loo baahanyahay in dadku ay soo ceshtaan sharaftooda, hormarka dalkoodana ay ka shaqeeyaan, si kor ugu qaadaan sumcada dalka iyo magaca Soomalinimo

Ra’isul wasaaraha waxa uu geesta kale sheegay in DFS ay juhdi ku bixin doonto sida lagu badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku ganacsada wadamada africa.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili kumanaan Soomaali ah lagu dilay Caalamka intiisa kale kuwaa oo dhacna loo geystay Hantidooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com