Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyey qorshaha dib u dhis ciidamada xoogga ee muranka badan ka dhashay

Muqdisho (Caasimadda Online)- Maalmhiii ugu dambeeyey waxaa Soomaaliya hareeyey muranka ku aadan qorshaha dib loogu dhiso ciidamadii qaranka Soomaaliyeed, kadib markii uu heshiis qorshahaas ku aadan dhex maray dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Haddaba wasiirka Wasarada Gaashn dhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa faah faahin wuxuu ka bixihay dhismaha ciidamada xoogga dalka oo muran badan uu ka taagan tahay , gudiga difaaca baalamaankuna ay mooshin ka gudbiyeen .

Wasiirka wuxuu sheegay in qorshaha dhismaha ciidanka ee ay madaxda dowladu saxiixay laga bixi fasiraad qalad ah , isla markaana ciidamada xoogga dalka aan kaliya 18,000 lagu soo keebeyn balse hada inta bajadka loo haayo ay tiradaasi yihiin .

C/rashiid wuxuu tilmaamay in Kaliya aan tiraaas lagu soo koobin , balse ay dowlada Soomaaliya ay iya dhiseyso ciidamadeeda laakiin hadda ciidamadaan la dhisayo ay yihiin kuwo ay mushaarkooda , qalabeyntooda iy tababarkooda  ay bixinayaan dadlka Soomaaliya

Waxaa wali uu muran ka jiraa qorshaha dib u dhiska ciidamada xoogga dalka , iyadoona gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin kasoo saareen qorshahaan ay saxiixeen madaxda  maamul goboleedyadadalka iyo madaxda dowlada Soomaaliya .

Arrintaan waxaa horey uga hadlay la taliyaha dhanka Amaanka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo isna sheegay in arrintaan fasiraad qaldan laga bixiyey, sidoo kalana wuxuu kulan xasaasi ah la qaatay xubnaha Beesha Caalaamka  ee sugan Muqdisho si uu sharaxaad uga bixiyo qorshahaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com