Fiqi oo si qiiro leh uga hadlay burburkii ku yimid wada hadalkii Galmudug iyo Ahlu Sunna

Muqdisho (Caasimadda Online)- Axmed Macalin Fiqi oo ah xildhiban ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya horey isugu soo sharaxay doorashda madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si qiiro leh uga hadlay burburkii ku yimid wadahadaladii u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay inay sugayeen in laga miro dhaliyo wadahadalada Galmudug iyo Ahlu Sunna, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay natiijo xumadii kasoo baxday kulankaas ee la filayo in lagu soo afjaro khilaafka Galmudug hareeyey.

Wuxuu tilmaamay in haddii uu burburay wadahadalkaas aysan micnaheeda aheyn inuu gabi ahaanba fashilmay inay wadahadlaan labada dhinac isla markaasna wuxuu carabka ku adkeeyey inay weli nooshahay rajadii laga lahaa dib u heshiisiintaas.

Mar uu ka hadlayey baaqii kasoo baxay dowladda Soomaaiya ayuu Fiqi tilmaamay inuu aad usoo dhaweenayaan   talooyinkeeda ku aadanaa in doorashadii loo madlanaa ee Galmudug ay qabsoonto, si buu yiri loo doorto Hoggaamiyihii ka saari lahaa Galmudug kala qeybsanaanta ragaadisay iyo horumar la’aanta ka jirta, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay guul.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayuu uga mahaceliyey dadaalkii dheeraa ee uu geliyey inuu soo dhameystiro khilaafka ka dhaxeeyo Ahlu Sunna iyo Galmudug uuna rajeenayo inuusan ka quusan arrintaas.

Guddiga Galmudug u matalayay Wada hadalada ayaa sheegay inuu bur buray wada hadalada, isla markaana dhanka Ahlusuna ay wax ka socon waayeen, kaddib shuruudo adag oo ay soo bandhigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com