RW Kheyre oo mar kale diray Hanjabaad culus kadib markii ay korortay..

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Kheyre ayaa mar kale ku Hanjabay in ciqaab ay marin doonaan qofkii ay ku cadaato inuu gacan bidixeeyay dhaqaalaha gurmadka abaaraha.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad loo soo gudbiyay kuwaa oo lagu wado baaritaan, waxa uuna tilmaamay inay mari doonaan ciqaab taariikhi ah, waa haddii ay ku cadaato kiisaska musuqa ah ee lagu eedeeyay.

Waxa uu sheegay inay aad u yartahay rajada laga qabo in DFS ay cafis u fidiso shaqsiyaadka dhaqanka ka dhigtay musuqa.

Kheyre, waxa uu sidoo kale sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay la dagaalami doonto musuq maasuqa cidii lagu helana tallaabo ka qaadi doonto.

Waxa uu sheegay in DFS aysan u dulqaadan doonin dadka lunsada gargaarka loogu tala galay dadka dhibaateysan ee ku nool duleedka Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Geesta kale, Ra’isul wasaaraha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Abaaraha ugu baaqay in ay soo gudbiyaan ragga falalkaasi ku kaca, si sharciga loo horgeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com