Hay’adda duulista oo war kasoo saartay tallaabooyinka wasiir Fardowsa Cusmaan ee fadeexadda dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga sare ee maamulka hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde ee u dhexeyso wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu faray maareeyaha hay’adda duulista rayidka in uu joojiyo isku day uu guddigu sheegay in lagu burburinayo jiritaanka hay’adda iyo madax bannaanideeda, isla-markaana lagu beddalayo shuruucda iyo qaab dhismeedka hay’addaasi.

Maamulka guddigan ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Axmed Faarah, oo ay isku beel yihiin, agaasimaha maamulka maaliyadda iyo adeegyada guud ee hay’adda duulista rayidka.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay tallaabadan uu arkay mid ka hor imaaneyso shuruucda hey’adda iyo qaab dhismeedkeeda, sida lagu caddeeyay qoraalka.

“Hey’adda Duulista Rayidka oo ah Hey’ad ka madax bannaan Wasaradda oo xilalkeeda uu magacaabi karo Mareeyaha guud oo kaliya arrintan ayaa waxaa arkay iyo awoodda qaldan ee ay Wasiirada isticmaaleyso Guddiga Maamulka (Board of directors), waana mid ka mid ah arrimihii uu isku casilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Waxaa kale oo uu guddigu intaasi ku daray inuu la socdo in maareeyaha hay’adda uu awoodiisa ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda, kadib markii loogu hanjabay in xilka laga qaadayo, arrintaas oo ay sheegeen in wasaaradda ay si xowli ah dano gaar ah uga leedahay hay’adda duulista oo ah hay’ad ka madax banaan wasaaradda.

Wasiirka ayaa toddobaadyadii dhowaa, sida aan xog ku helnay shaqada ka cayrisay shaqaale ka mid ah kuwa hay’adda duulista, ayada oo ku beddeshay kuwa ku beel ah.

Tallaabooyinka wasiirka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay shaqada garoonka Aadan Cadde oo maanta muddo kooban uu hakad ku yimid, kadib shidaal la’aan ku dhacday, taasi oo fadeexad weyn dhex joojisay dowladda federaalka

Shidaal la’aanta ayaa timid, kadib markii wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ay soo saartay amar ay shaqada uga joojisay shirkadii shidaalka geyn jirtay garoonka Aadan Cadde, ayada oo qorshuhu yahay inay ku beddesho shirka ayada ku xiran

Arrintan ayaa hoggaamisay inuu is-casilo wasiiru dowladihii Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo shaaciyay in musuq-maasuq baahsan iyo sidoo kae u takrifal awoodeed uu ka jiro wasaaraddaasi.