DF iyo Bangiga Adduunka oo wada-hadal cusub yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bangiga Adduunka.

Wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ayaa kala ah Julien Million iyo Miguel Angel Jorge, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay magaalada Muqdisho mashaariicda uu Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

Wafdinga ka socda Bangiga Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed, gaar haan kuwa la xiriira Kalluumeysiga ee Bangiga uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka.

Waxay si gaar ah wafdigan faah-faahin uga siiyeen wasiirka qorsheyaasha socda ee la xiriira mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah lagu horumarinayo ee Banhiga Adduunka iyo wasaaradda, sida lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa wafdigan uga mahad-celiyey imaatinkooda caasimadda dalka ee Muqdisho iyo warbixinta ay la wadaageen.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn doonto hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka, gaar ahan kuwa la xiriira horumarinta Kalluumeysiga.

Mashaariicda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee ay ka wada-shaqeynayaan DF iyo Bangiga Adduunka ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo horumarin lahaa Kalluumeysiga gudaha si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale oo waara.