Heshiis 10 qodob ah oo lagu gaaray Muqdisho iyo ciidanka oo laga saarayo magaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu gaaray heshiis lagu soo afmeeray qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo ee 25-kii bishii April ka dhacay magaalada, ayada oo la isku raacay in ciidamada laga saaro magaalada.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaaray kulan galabta ka dhacay caasimadda oo ay ka qeyb galeen, Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh, madaxweynayaasha HirShabelle iyo Galmudug, iyo guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee loo xil saaray arrintan.

Heshiiska la gaaray oo ka kooban 10 qodob, ayaa kala ah:

1- In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2- In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3- In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4- In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5- In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida. A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda. B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6- In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7- In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8- In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9- In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10- Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.