XASAN SHEEKH: Waa in la garab istaagaa R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha Xakuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, si loo hirgeliyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu boqaadinayo dadaallada uu Rooble ka billaabay xal u helidda xasaradihii amni ee Muqdisho ka dhacay iyo sida uu kasbaday saamileyda siyaasadda dalka.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa, sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan” ayuu ku sheegay hadal kooban oo uu maanta jeediyay.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in fursad la siiyo lana garab istaago dadaalka u wado Ra’iisul Wasaaraha, si uu dalku uga baxo xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa iyo inqilaabkii hay’adaha dastuuriga ah.

“Dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda” ayuu raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay go’aannada  Ra’iisul Wasaare Rooble, taas oo meesha ka saareysa shaki ay muujinayeen midowga musaharraxiinta iyo golaha badbaado Qaran.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo markii la siiyey awoodda hirgelinta doorashada iyo amnigeeda wado dadaalo uu ku doonayo inuu saamileyda siyaasadda iyo madaxda Maamul Goboleedyada ku qanciyo si ay uga qeyb noqdaan xal u helidda khilaafka ka taagan Dowladda, wuxuuna hadda heystaa ogolaanshaha dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.