Shir u furmay ROOBLE iyo beesha caalamka iyo Rooble oo ku dhowaaqay dhisidda ciidan u gaar ah doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shir waxa uu maanta uga furmay xerada Xalane.

Kulanka oo ay qaban qaabadiisa laheyd beesha caalamka ayaa waxaa looga wada hadlayaa doorashooyinka iyo sidii Rooble lagala shaqeyn lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlayaa sidii ay beesha Caalamka u fududeyn laheyd shirka la filayo inay Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Muqdisho 20 Bishaan sida uu iclaamiyey Ra’isul wasaare Rooble.

Rooble ayaa kulanka ka sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe ay kusoo dhiseyo ciidamo khaas ah oo fuliya amniga dooarshada, kuwaasi oo loo wada dhan yahay dhex-dhexaadna ah. Waxa uu intaas ku daray inay ciidankaasi ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci uuna dhisiddooda kala tashan doono dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Waa shirkii u horreeyay ee dhex mara Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaruhu la wareegay arrimaha doorashooyinka iyo amniga oo looga fadhiyo inuu dhowaan guda galo hirgelinta heshiiskii 17 September.

Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September. Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba.

Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada.

Shirkaan ayaa imaanayo kadib markii madaxweyaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ogolaaday inuu Mas’uuliyadda doorashada iyo amnigeeda uu ku wareejiyo Ra’isulwasaare Rooble kadib markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo ciidamo diidan muddo kordhin loo sameeyey Farmaajo.