Askari ka tirsan Haramcad oo bixiyey xog yaab leh oo ku saabsan aragtida ciidanka DF ee mucaaradka (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad, islamarkaana ahaa muuqaal duubaha gaarka ah ee ciidamada, ayaa shaaciyey arrin argagax leh oo ku aadan mucaaridka, taasi oo ay si gaar ah u beegsadaan inta badan ciidamadaan.

Saydi Cali oo dhawaan lagu eedeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Haramcad ku qaadeen Idaacadda Mustaqbal ayaa wareysi gaar ah uu bixiyey iskaga fogeeyay eedeymahaas, wuxuuna banaanka keenay arrimo badan oo ku aadan howl-galada ciidamada.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda laga dhaadhiciyo in mucaaradka kasoo horjeeda dowladda ay yihiin cadow mudan “in xoolahooda la qaniimeysto”, midaasi oo lamid ah qorshaha ay argagixisada u adeegsato dagaal-yahaanadeeda.

“Askari kasta ayaa laga dhaadhiciya in waxwalba oo mucaaradka leeyihiin ee kasoo horjeeda dowladda ay yihiin qaniimo. Haddii askariga loo sheego oo la dhaho gurigaan nin mucaarad ah ayaa iskaleh, Xasan Sheekh ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa markiiba kusoo dhaceysay qaniimeysiga,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xafiiska madaxweynaha uu beegsi gaar ah ku hayo warbaahinada baahiya waxyaabaha ay dhibsato, gaar ahaan adeegsiga magaca “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday”  oo si weyn uga carooto Villa Somalia.

“Idaacad kasta oo ka aragti duwan oo ku dhawaaqda ereyga madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waxa uu qorshaha yahay in la beegsado, oo wariyaha la beegsado, xafiiska Madaxweynaha ayey awaamiirtaas toos uga timaada,” ayuu yiri.

Waxa uu shaaciyey in dowladda ay qorshaha ugu jirto inay weerarto warbaahind dhowr ah oo ay dhibsatay qaab tabantooda, kuwaasi oo ay kamid yihiin Goobjoog iyo Radio Kulmiye, sida uu sheegay.

Arrimaha uu shaaca ka qaaday Sayid Cali oo ah kuwo xasaasiya ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, oo uu sheegay in aan ciidan qaran laga filan karin.

“La-yaab waxa leh askari ka tirsan ciidamo qaran inuu isticmaalo asagoon la qasbayn erayo la mid ah kuwa shabaabku sida xun ugu isticmaalaan boobka hantida dadka. Waxaase in la isweydiiyo mudan ciidamadii amniga dalka in ay ilaaliyaan loo soo tababaray inay ka hortagaan argagixisada inay noqdaan kuwo erayo dhibaya Farmaajo hawl-galadooda saldhig looga dhigo, amarkana ka qaata xafiiska Villa Somalia,” ayuu yiri.

“Wiilkan dhallinyarada ah ee waraysiga bixinayey waxaa ka muuqatay degenaan iyo inuu iska rogayey eedo si gaar ah asaga dusha looga tuuray balse wuxuu daaha ka rogay arrimo dadka badankiisu aysan ogeyn laakin in muddo ah dad xog ogaal ahi ay sheegi jireen.”

Fiqi ayaa isdul taagay qoddobo ku jiray wareysiga Sayid Cali Xasan oo kamid ahaa ciidanka Haramcad oo muujinayey hanaanka guracan ee loo adeegsado ciidamadaas, kuwaasi oo u dhignaa sidan;

1. Wuxuu isticmaalay erayga “Qaniimo” oo ah eray ay kooxda shabaabku si xun u adeegsadaan marka ay xalaashanayaan xoolaha dad ay aaminsan yihiin in ay gaalo yihiin.
2. Wuxuu sheegay in askarta hantidaas ku qamaamtay uu qof walba wixii uu qaadan karo u fasaxan yahay oo aysan jirin isla xisaabtan iyo tirakoob lagu sameeyo wixii meeshaas laga qaaday.
3. Wuxuu sheegay ciidankaas weerarada iyo hawlgallada ay samaynayaan in taliska Booliska ee uu hoostago aysan wax war ka heyn.
4. Wuxuu sheegay in ay beegsadaan warbaahinta isticmaasha erayga “Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ama madaxweynihii hore”.
5. Wuxuu sheegay in madaxtooyada uu ka yimaado amarka ay uga hawlgalayaan goobaha iyo shaqsiyaadka ay weeraraan.
6. Wuxuu sheegay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka hawlgala in weerarada soo socda ay ku soo wajahan yihiin asagoo sidoo kale magacaabay qaar ka mid ah hogaamiyaasha mucaaradka guryahooda in la qaniimaysto in ay amarkeeda haystaan.

Hoos ka daawo muuqaalka