Maxay mucaaradka DF ka yiraahdeen heshiiska ciidanka looga saarayo Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii heshiis ka kooban 10-qodob galabta laga gaaray xiisadii todobaadyadaan ka taagneyd magaalada Muqdisho, waxaa isisoo taraya soo dhaweynta iyo boggaadinta qodobada ay ku heshiiyeen ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Odawaa iyo Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa aad u soo dhaweeyey qodobadii lagu heshiiyey galabta, iyagoo ku taliyey in sida ugu haboon loo dhaqan geliyo heshiiskaas oo xal u noqon kara xiisadii maalmahaan ka jirtay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa u uku yiri, “Heshiiskii iyo qodobada caawa lagu heshiiyay waa soo dhawaynaynaa waana bogaadinaynaa. Dhammanteen mar haddii muddo kororsigii saqiiray aan nabadeynta u istaagno una dhaga nuglaanno.”

Sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri, “Waxaan bogaadinayaa heshiiska maanta laga gaaray xiisadii ka dhalatay muddo kororsigii fashilmay. Kalsooni ayaan ku qabaa adkaysiga geedi socodka nabada iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya. Mahad Alle aya leh, kaddibna Shacabka Soomaaliyeed iyo intii hor istaagtay muddo kororsiga.”

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo qeyb ka ahaa guddigii ka soo shaqeeyey heshiiska galabta la gaaray ayaa ka sheekeeyey hadallo kaftan ahaa oo dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in hadda wax kasta laga heshiiyey.

Heshiiskaas waxaa lagu gaaray hooyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, sidoo kale madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa hooyga uu Muqdisho ka degan yahay kulan afur ugu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga Musharraxiinta.