Mahad Salaad oo ka sheekeeyey arrin galabta dhex-martay isaga iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u hor istaagay mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka, sidoo kalena ka mid ahaa guddigii dhawaan loo xilsaaray inay ka soo tala bixiyaan xalka xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga, ayaa ka sheekeeyey hadallo ay galabta is dhaafsadeen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in Rooble weydiiyey sababta ku khasabtay dagaalka, maadaama uu metelo, isla markaana uu meesha u joogo, “Waxaan ku iri waa runtaa Meesha waa ii joogtaa, laakiin Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiir ka tirsan xukuumada Rooble uu weydiiyey in wixii dhacay uu hadda ka qanacsan yahay, “Si degan ayaan ugu iri mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri.

Hoos ka aqriso qoraalkan oo Mahad Salaad uu Facebook-ga soo dhigay

Kaftan aniga iyo Abtigey Rooble galabta nagu dhex maray Madashii lagu shaacinayay heshiiska. Wuxuu i su’aalay Abtiyow maxaa dagaalka kugu qasbay soo anigu Abtigaa ma’ ihi meeshana kuuma joogo?

Waxaan ku iri waa runtaa adigaa Abtigey ah, meeshana ii jooga lkn Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid noo garqaada ama iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen!

Intaas markaan isdhaafsanay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa mid Wasiirada meesha joogay ka mid ah inta soo booday igu yiri “hada ma qanacsantahay”? Si degan ayaa waxan ugu iri “mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo”. Wasiirkii inta dhinacyada iska fiiriyay oo dhoolacadeeyay ayuu tartiiba u siibtay. Malaha mid Fahad iyo Farmaajo wali u noolyihiin oo yaan lagu maqlin isleh ayuu ahaa!

Hadal iyo dhamaantiis hada waa la heshiiyay ee howsha aan wada qabano. Mahadsanidiin.