Daawo: Rooble oo hal arrin aad uga codsaday Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyey kulankii galabta ay heshiiska ku gaareen isaga iyo midowga musharaxiinta ayaa musharaxiinta aad uga codsaday inay si dhow ugala shaqeeyaan arrimaha doorashada.

Waxa uu sheegay in howsha doorashada ay aad u culus tahay kaligiisna uusan ka shaqeyn karin, sidaas darteena uu muhiim u yahay garab uu ka helo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka.

“Dhamaan musharaxiinta, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaarihii hore waxaan idinka codsanaa doorashada aniga kaliya inaan la igu haleyn, dhamaanteen mas’uuliyadaa na wada saaran. Inaan si cadaalad ah doorasho idinkugu maamulo ayaad ii dirsateen, marka gacan ayaan idin kaga baahanahay,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale shacabka magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska oo uu sheegay in hadda kadib si gaar ah loogu xil saaray amniga caasimadda.

“Waxaan hey’adda ciidamada boliiska Soomaaliyeed amrayaa inay ilaaliyaan amniga qof kasta oo muwaadin ah, inay ilaaliyaan amnigeyga, amniga madaxweynaha, kan musharaxiinta iyo amniga qof kasta oo Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan cidna lagu xad gudbin oo qof dhib loo geysan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa musharaxiinta ka balan qaaday in qof gaar ah uusan xigsa doonin, oo doorashada uu si xalaal ah u maamuli doono, “Qalbigiina kheyr u sheega, laakiin gacan ayaan idin kaga baahanahay, aragiina yaana waayin,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in aysan jirin doonin qof ciidan ah oo lagu xad gudbo, sidaas darteena uu farayo ciidamada gudaha caasimadda difaacyada uga jira inay goobahoodii ku noqdaan.

“Qof ciidan ah laguma xad gudbi doono, ciidanku mucaarad iyo muxaafid kalama laha, marka waxaan farayaa inay dib ugu noqdaan xeryahoodii, oo ay shacabka ka difaacaan argagixisada Al-Shabaab,” ayuu yiri  Ra’iisul wasaare Rooble.

Hoos ka daawo