Heshiis sir ah oo dhex maray Mareykanka iyo Iran oo lagu magacaabay al-Kadhimi

Baghdad (Caasimada Online) – Heshiis qarsoodi ah oo dhex-maray Mareykanka iyo Iran ayaa dhabbaha u xaaray in Mustafa al-Kadhimi laga dhigo ra’iisul wasaaraha Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska fadhigiisu yahay London ee Middle East Eye.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah, in Tehran ay taageerto al-Kadhimi, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Iraq, taa beddelkeedna Washington ay joojiso xayiraadda hantida Iran ee taalla Yurub, sida uu sheegay wargeyska.

Magacaabista Mustafa al-Kadhimi ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeeday kooxda Iran ay taageerto ee Shiicada ah ee Kataib Hezbollah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta saree e Shiicada Iraq.

Si kastaba, kooxahan ayaa aqbalay magacaabistiisa kadib markii ay Iran amartay inay garab istaagaan, taa beddelkeedna laga qafiifinayo qaar ka mid ah xayiraadaha culus ee Washington ay saartay dhaqaalaha Iran, sida ay ilo-wareed siyaasadeedyo sare oo Iraqi ah ay u sheegeen Middle East Eye.

Mustafa al-Kadhimi iyo ogolihiisa wasiirada ayaa codka kalsoonida ee baarlamanka helay 7-dii May, si ay u beddelaan dowladdii is-casishay ee
Adel Abdul-Mahdi.

Mustafa al-Kadhimi ayaa ku guuleystay inuu dowlad soo dhiso kadib markii laba siyaasi oo horey la magacaabay, Mohammad Allawi iyo Adnan Al-Zurfi, ay ku guul-darreysteen inay helaan tagaeero ay dowlad kusoo dhisaan.

Iraq ayaa waxaa ka qarxay banaan-baxyo xooggan bishii October, kuwaas oo looga soo horjeedo heerka nololeed ee hooseeya iyo musuq-maasuq dalka, waxaana ay qasbeen inuu is-casilo ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi.