Kenya oo duqeyn ay Gedo ka fulisay ku dishay hooyo iyo caruur ay dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca cirka ah oo ay xalay saq-dhexe diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka fuliyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha si gaar ah diyaaraduhu ay ula beegsadeen deegaano ka tirsan degmooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weeraradaasi dhanka cirka ah uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duqeymahaasi, kuwaas oo kala ahaa Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaaka ah.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qof kale oo shacab ahaa, iyadoona dadkaasi uu gantaal ugu tegay Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Cows-Qurun oo qiyaas ahaan illaa 70 KM dhinaca koonfur ka xiga magaalada Ceel-Waaq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi rayidka ah ee ay Kenya xalay ku leysay duqeynta, iyadoona horay ciidamadeeda ay dhibaato uga wadeen gobolkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ma jiro weli wax hadal ah ka soo baxay maamulka gobolka Gedo, Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku aadan duqeymahaasi.