Marxuum ay SOMALILAND sheegtay inuu u dhintay COVID-19 oo la beeniyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in qofkii ugu horreeyay uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus, balse sida wararka lagu helayo waxaa beeniyay ehelladiisa.

Qoyska marxuumkaan aan magaciisa la shaacin ayaa saxaafadda la hadlay waxeyna qireen inuu u geeriyooday xanuunka qaaxada (TB).

Qoyska oo lagu xukumay iney muddo 21 cisho ah karantiil galaan ayaa sheegay iney dhameysteen, balse ay dhaliilo u jeedinayaan wasaaradda caafimaadka gobolka Awdal iyo sidoo kale isbitaalka weyn ee magaalada Boorama.

Qoyska waxey sidoo kale warbaahinta u sheegeen iney meydka iyagu aaseen, taas badalkeedana ay beeniyeen iney dowladdu aas u sameysay.

Ugu dambeyntii qoyska waxey kaloo sheegeen iney caafimaad qabaan isla markaana aysan dareemeynin wax xanuun ah oo la xiriira COVID-19.