Sawir muujinaya in macno darro uu yahay bandowga ay DF saartay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow xilliga habeenkii ah, iyadoo wixii ka bilowday 8:00 Fiidnimo la xanibo isku socodka gaadiidka, sidoo kalana aan la ogoleyn iney furnaadaan ganacsiyada qaar.

Bandowgaan waxaa lagu sheegay in dowladda ay rabto iney ku xakameyso faafista xanuunka halista ah ee Coronavirus oo dunida si weyn u saameeyay, balse marka laga hadlo guud ahaan magaalada Muqdisho kama jirto cabsi iyo feejignaan arintaas ku aadan marka la tago in dowladdu ay Bandow soo rogtay.

Dadka ayaa isugu yimaada goobaha, garoomada kubadda cagta xaafadaha iyo kuwa xarumaha dagmooyinka qaar ayaa furan kuwaas oo kulmiya boqolaal qofood, mana jirto hadal heyn badan oo la xiriirta Xanuunka Coronavirus marka laga reebo bogga Ra’isul wasaare Hassan Ali Kheyre oo lasoo dhigo shirka jaraa’id ee Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ay maalin walbo qabato.

Halkaan waa Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, waana xilliga ay dadka ugu baahida badan yahiin iney dukaameystaan maadaama ay soo dhawdahay Ciidul Fitri. Markaad eegto sawirkan iyo sida dadku isugu dhex-jiraan waxaa kuu muuqaneysa in bandowga dowladda soo rogtay uusan wax macno ah lahayn.

Kumanaan qof ayaa maalin walba taga suuqa si ay uga dukaameystaan, mana jirto hab ay dowladda u diyaarisay xakameynta isku imaatinkooda, sidaas darteed arinkaan wuxuu macno beel u yahay bandowga la sheegay in looga taxadarayo COVID19 ee habeenkii oo ay dadku ku yaryahiin magaalada lagu soo rogay dadka reer Muqdisho.

Boqolaal ganacsi ayaa la xayiray kuwaas oo ay dhibtu dhinac ka gaartay, dowladduna waxey u muuqataa mid aan ku filneyn iney dhinac walba ka xeeriso xaaladda ka hortagga xanuunkaan.

Qof walba wuxuu is weydiiyaa su’aal ku saabsan waa maxay muhiimadda Bandowga habeenkii lasoo rogay hadiiba ay bulshada sidaan isku dhex galeyso.

Dadka qaar ayaa aaminsan in kiisaska cudurka COVID19 ee Dowladda soo bandhigto ay tahay arrin siyaasad la xiriirto balse aysan tirada intaas gaarsiisneyn.