Madaxweyne Muse Biixi oo ka been sheegay arrimo ka taagan gudaha Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si cad uga been sheegtay arrin muddooyinkii dambe si weyn uga taagneed gudaha deegaanadeeda, midaasi oo mararka qaarna lala xiriiriyey madaxda ugu sareysa Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa shalay khudbadii uu ka jeedinayey xuska 18-May, ku sheegay in hoos u dhac weyni ku yimid dacwadihii dhulka, xili ay isasoo tarayaan dacwadahaasi.

Madaxweynaha ayaa hoos u dhacaasi ku sheegay inuu ku yimid kadib markii ay iskaashadeen Maxkamadaha, ciidanka booliska, dowladaha hoose iyo shacabka Somaliland, walow aysan midaasi la qabin qaar kamid ah bulshada reer Somaliland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa isasoo tarayay dacwadaha dhulka ee gudaha Somaliland, iyada oo ay gaadhay heer madaxda ugu sareysa ee sida Madaxweyne Muuse Biixi iyo kuxigeenkiisa lala xiriiriyo inay qeyb ka yihiin dhul badan oo la isku haysto.

Hadalkaasi khudbada Biixi ku jiray ayaa waxa si weyn uga fal-celiyay qaar kamid ah bulshada, kuwaasi oo qaarkood u arkayeen in Madaxweynuhu uu daah saarayo xaqiiqda jirta.

Garsoorka Somaliland ayaa sidoo kale lala xiriiriya in dacwadaha dhulka aysan si hufnaan leh uga garnaqin, iyada oo dhowr jeerna baaqyo kala duwan laga soo saaray in Garsoorku uu noqdo mid cadaalad ah.