Guddiga ka hortagga Covid-19 oo shir xasaasi ah ka yeeshay dabaal-dega ciidda

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa.

Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashaadi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19.

Sidoo kale xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga.

“Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga qaran ee xakameynta cudurka halista badan ee Coronavirus.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.