Maamul xumida Puntland & majarahabaabinta shacabka

Waxaan dhagaystay clip-kii uu soo duubay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ee uu kaga hadlayay dilkii xanuunka badnaa ee lala beegsaday Guuddoomiyihii Gobolka Mudug. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxiriistiisa huwiyo qabrigana u waasiciyo.

Intaa kadib, waxaan jeclahay inaan faallo kooban ka bixiyo farriimaha Madaxweynuhu uu gudubiyey:

Ka daba tagga dambiilayaasha:

Marki falal amni darro ah ka dhacaan gudaha Puntland, maamulku wuxuu noo sheegaa in ay dambiilayaasha falalkaa gaystay iyo kuwa ka dambeeyaba ay ka dabi tagi doonaan caddaaladdana lala tiigsan doono. Haddana wax laga daba tago oo caddaaladda la hor keenana maynaan arag. Dambiilayaashu way baxsadaan ama way dhintaan.

Oraahdayada caanka noqday ee ‘waan ku daba jirnaa’, iyo ‘waan ku raad joognaa’ ma keenin wax xal ah xilli uu amniga Puntland faraha ka sii baxayo. Tan iyo markii maamulkan hadda talada haya la wareegay Puntland, ugaarsashada shacabka, shaqaalaha dawladeed, madaxda iyo ajaanibtaba way sii kordhaysay. Waxaa ugu horeeyey dilkii madaxii DP World, Paul Anthony, bishii Feberaayo 2019, in ka yar bil markii ay madaxtooyada la wareegeen kooxda Tayeyn iyo Tiigsi. Waxaa kaloo dhamaadkii bishi Maarso ee 2020 lagu dilay Garowe Guddoomiyii Gobolka Nugaal49 casho kadibna, Guddoomiyihii Gobolka Mudug ayaa lagu khaarijiyey Gaalkacyo.

Dhacdooyinkan amni darrada ahi waxay daaha ka qaadeen habacsanaanta maamulka Puntland iyo taagdarrida laamaheeda amaanka. Waxaa isweydiin mudan; Puntland ma leedahay istiraatiijiyad amni oo looga hortago falalkaa argagaxa leh ee caadiga ka noqday deegaanada Puntland?

Aragti Shirqool

Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaajiyey in weeraro ujeedooyin kala duduwan laga leeyahay lala beegsado Puntland dawladnimadeeda, deganaanshaheeda iyo hor-umarkeeda. Ma aha marki ugu horreysey ay Puntland ku eedeeyso dhinacyo aan la aqoon, weerarada khalkhalka galiya amniga, ee waa caado soo noqnoqonaysay tan iyo aasaaskii Puntland. Mar walba oo ay dhacdooyin xasillooni darro ah ka dhacaan geyiga Puntland, maamulka hadba talada haya waxay shacabka u sheegaan in ay jiraan dhinacyo had iyo goor u heellan maleega shirqool ka dhan ah Puntland. Ilaaha amarkii, dhinacyadaa lama carrabbaabo oo shacabka looma caddeeyo waxa ay yihiin. Ma muwaadiniin baa? Ma ajaanib baa? Ma Dawlad Goboleedyada jaarka ah baa? Ma Dawladda Federaalkaa? Ma Dawladaha deriska ah baa? Ma Dawlado shisheeyaa? Mise waa qof walba sida uu doono ha u qaato?

Marki Puntland awood u heli wayday ka hortagga cadawga runta ah, waxay shacabka u sameeyeen cadaw dhalanteed ah si ay isaga jeediyaan indhaha shacabka ee ku soo jeeda. Cadawgaas aan haybtiisa la garanayn wuxuu noo noqday sidii sheekadii ‘Dhegdheer” ee naloo ka sheekeeyn jiray barigii aan yaryarayn ee nala ku cabsiin jiray. Hadda waxaa la isweydiinayaa goorta ay Dhegdheer dhiman doonto dhulkuna nabad noqon doono?

Eedeeynta Beesha Caalamka

Madaxweynuhu wuxuu eedo kala duduwan dusha uga tuuray Beesha Caalamka. Wuxuu ku eedeeyey in aysan ka taageerin maamulka Puntland dhanka amniga, taageeradooduna ay dhinac ka raran tahay oo ay Dawladda Federaalka kaliya taageeraan. Waxaa Madaxweynaha shaki ka galay in Beesha Caalamka ay damacsan yihiin in ay Puntland taageeraan marki ay burburto.

Waxaynu ogsoonnahay in Puntland gudaheeda ay ku sugan yihiin Dawlado shisheeye kuwaasoo ka taageera sugidda amniga. Waxaa ka mid ah shirkadda Puntalnd looga yaqaan ‘Saracen’ ee tababarta ciidamada badda PMPF. Ciidamadaa waxaa markii hore loo diyaarinayay in ay la dagaallamaan burcad badeedkii dagaalka ba’an ku hayay maraakiibta badaha isaga kala gooshta haddase soo afjarmay. Su’aashu waxa weeye maxay qabtaan? Miyaanan loo adeegsan karin sugidda amniga Gaalkacyo iyo gabi ahaan Gobollada Puntland? Imaaraatku maadaama uu saaxiib dhow la yahay maamulka Puntland, muxuu uga taageeri waayay sugidda amniga? Puntland taageerada ay Beesha Caalamka ka doonayso ma in AMISOM la keenaa, illeeyn waa tay iska diideen inay ciidamada Danab ee Soomaaliyeed ka hawlgalaan geyiga Puntland? Haddii maamulka Puntland uu ku fashilmay sugidda amniga, sow ma ahayn in ay la wadaagaan Beesha Caalamka qorshe amni oo dhamaystiran si looga taageero?

Inti lagu jiray ololihii doorashada, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu amniga tayeyn doono, haddase waxaa muuqata in uu ku fashilmay xaqiijinta ballan qaadkiisii oo eedda rabo inuu dusha uga tuuro cadaw dhalanteed ah iyo Beesha Caalamka. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa “Nin daad qaaday xumbo cuskay”.

Eedeynta Dawladda Federaalka

Waxaa maalmahan dambe caado u noqotay maamulka Puntland in ay ku eedeeyaan Dawladda Federaalka wax walba oo ay ka gaabiso Puntland. Amni xumo hadday ka dhacdo Puntland, waxaa si dadban loogu eedeeyaa Dawladda Federaalka. Waxaa xusid mudan in ay Puntland diidday in Dawladda Federaalka diiwan galiso ciidamadeeda oo ay ku tilmaameen diiwan galintaa ‘fara galin’. Waxay kaloo diidday Puntland in ay xisaab celin ka samayso lacagaha ay ka hesho Federaalka oo loogu tala galay sugidda amniga oo ay ku jirtay mushaharka ciidamada waqtigii maamulkii ka horeeyey kan hadda talada haya. Waxaa taa ka dhalatay, in Madaxweynuhu dhowr jeer sheegay in dhaqaale xumo ku habsatay bixinta mushaharka ciidanka.  

Halki laga doonayay Puntland in ay si dhow ula shaqayso Dawladda Federaalka, kalana kaashato sugidda amniga, waxay ku waddaa mucaaraddo joogto ah oo aan loo meel dayin sidi inay tahay xisbi mucaarad ah oo ka soo horjeedda Dawladda.  

Arrimaha Cakiran

Sugidda amniga wuxuu u baahan yahay isku duubni shacab waana tan uu ku talinayo oo uu dareensan yahay Madaxweynuhu. Waxaase la yaab leh in aysan wada socon talooyinkaa wanaagsan iyo ficillada dhabta ah ee uu maamulku ku kaco.

Waxaa sandkii hore xoog looga tuuray kursiga Guddoomiyii Baarlamaanka, Guddoomiye cusubna lagu fariisiyey booskiisii taasoo keentay kala qaybsanaan shacab oo baahsan. Waxaa hadda soo ifbaxay khilaaf xooggan oo ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka taasoo sii wiiqaysa isku duubnida shacabka Puntland.

Mararka qaar, waxaad maqlaysaa askar baa gadoodday, kuwa kalena hub bay la baxsadeen, halka qaar kalena aanba la diiwaan galin oo mushaharkii xataa laga jaray, sida ka jirta Gobolka Gardafuu ee Puntland. Ciidamadu guud ahaan billowgii sanadkan dhowr bilood baysan mushahar qaadan.

Waxaa bishii hore la badalay taliyihii Booliiska Puntland kadib markuu ku fashilmay xasillinta amniga, halka Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ay yihiin lama canaantayaal haya shaqooyin aan ahayn kuwii loo igmaday. Guud ahaan tayada ciidamada ayaa ah mid liidata, magacaabista boosaska sarsarena waxaa lagu salleeyaa saami qaybsiga qabaa’isha ayadoo aan la eegeeyn askari walba meesha uu ku habboonyahay.

Gebogebo

Waxaa hubaal ah in amni darrada ka jirta Puntland ay salka ku hayso maamul xumida, siyaasaddaha gurracan, cadaalad darrada iyo dhaqaalo xumida soo wajahday maamulka baryahan dambe.

Waxaan talo ahaan usoo jeedin lahaa Puntland in ay si dhaqso leh u wanaajiso xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka iskana kaashadaan dhinacyo badan oo uu ku jiro amniga. Sidoo kale, in ay Puntland wanaajiso xiriirka iyo wada shaqaynta maamulka Galmudug, oo ay ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara wada shaqayntaa.

Waxaan kaloo ku talin lahaa in dib-u-habayn lagu sameeyo qorshaha amni ee lagu badbaadinayo dhiig baxa shacabka Puntland. Qorshahaa oo ah in la helo ciidamo daacad ah oo loo cadaalad falay, naftoodana u huri kara badbaadinta shacabka.  

Ugu dambayn, cadaaladdu waa tiirka isku duubnida shacabka. Sidaa darted, waxaan talo ku siinayaa maamulka Puntland in ay Sagaalka Gobol ee Puntland si siman loola dhaqmo, mashaariicda horumarineedna iskusi looga fuliyo si loo helo wada shaqaynta shacabka.

Wabillaahi Towfiiq.  

Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa ahmedfiqi2018@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid