Heshiiska 17-kii September oo wajahaya saddex caqabad

By Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) Heshiiska 17-kii September 2020 dhexmaray dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waa udub dhexaadka heshiis doorasho loo dhan yahay oo dalka ka hirgala sidey ku celceliyeen Beesha caalamka, balse waxaa jira caqabado badan oo ku xeeran heshiiskaas lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Caqabadaha shirkaas kasoo laabtay waa kuwa diiday in la hirgaliyo hanaan doorasho iyo in si hanaan hufan ah looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee dalka uu ku sugan yahay, in heshiis laga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka ayaana hadda maraya heer ay Beesha caalamka ku qasbanaatay si muuqata iney usoo faragaliso hawlaha la isugu keenayo dadka ku kala aragtida duwan hab-sami u socodka marxaladaan.

Shan caqabadood ayaa la aaminsan yahay iney ku xeeran yahiin hirgalinta heshiiska 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho, saddex ka mid ah waa kuwa soo jiitamayay halka laba qodob ay timid kadib dhamaadka muddo xileedka xukuumadda iyo dhaqanka bilahii ugu dambeeyay.

KURAASTA SOMALILAND:

Dowladda muddo xileedka dhamaaday ayaa soo faragalisay arrinta kuraasta gobollada Waqooyi (Somaliland), sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana lagu eedeeyaa inuusan ku xushmeyn Cabdi Xaashi oo ah gudoomiyaha aqalka sare, isla markaana ah qofka ugu sarreeya ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi inuu u daayo soo xulista, waxaana ka dhashay dood aan ilaa iyo hadda lagu heshiin iyadoo Villa Soomaaliya ay arinkaan u wakiilatay Mahdi Guuleed oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil heynta.

GOBOLKA GEDO:

Maadaama heshiiska doorashada ee 17-kii September la gaaray ay aheyd in laba meelood maamul walba uu doorashada ku qabto, Gedo-na ay ka mid noqoneyso goobaha laga rabo in Jubbaland ay doorashada ku qabato, halkaas waxaa kasoo laabtay dood badan maadaama ay dowladda muddo xileedkeeda dhamaaday ciidamo ku daabushay gobolka Gedo. Heshiisyo badan oo laga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka waxey u burbureen arrinta gobolka Gedo iyadoo maamulka Jubbaland ay doonayaan iney maamulaan sida ay maamullada kale u maamuli doonaan goobaha doorashooyinka.

Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku haya, iyadoo guddigii farsamada ee Baydhaba ku shiray la sheegay in arintaas is faham ay ka gaareen, balse waa caqabadda ugu weyn ee ku xeeran doorashooyinka.

GUDDIGA DOORASHADA:

Guddiga doorashada oo ay dowladdu magacowday waa lagu muransan yahay, waxaana la sheegay iney ku jiraan xubno daacad u ah taliska FARMAAJO, taliyayaal ka tirsan hay’adda nabadsugidda qaranka iyo shaqaale ka tirsan xukuumada uu wakhtigeeda dhamaaday.

Midowga musharaxiinta iyo laba ka mid ah maamullada Federaalka ayaa ka hor yimid kuwaas oo wali saluugsan habka loo xulay guddigaas, waxaana shaki la galiyay sida ay u qaban karaan doorasho loo siman yahay.

Dhanka kale waxaa jira laba qodob oo yimid kadib 8-dii February 2021, markii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.

Maadaama uu muddo xileedka ka dhamaaday madaxweynaha Soomaaliya, ma gaari karo go’aanno masiiri ah, taasna waxey la macno tahay in saamileyda siyaasadda ay ku biirto miiska wadahadalka.

Baarlamaanka wuxuu muddo xileedkiisa dhamaaday 27-kii December, sidaas darteed golaha sharci dajinta wey sii joogayaan ilaa kuwii badali lahaa yimaado, balse madaxweynaha xaq uma lahan inuu kursiga kusii fadhiyo.

Sidoo kale qodobka ugu dambeeya wuxuu yahay iney luntay kalsoonidii lagu qabay dowladda maadaama lagu tuhunsan yahay in taliska jooga ay doonayaan muddo kororsi ama in xoog lagu maamulo wadanka, waxaana jirta in ciidamo loo adeegsaday dibad bax nabadeed oo la diiday, sidoo kalana siyaasiyiin, xildhibaano iyo musharaxiin lagu rasaaseeyay caasimdda.