Farmaajo oo bil gudaheed saddex guul darro oo siyaasadeed la kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida muuqato waxaa markii 3-aad baaqanaya shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo looga hadli lahaa muranka la xariira doorashada Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal laga soo saaray xafiiskiisa waxaa lagu iclaamiyay shirka dowladda iyo maamul gobaleedyada muddo saddex jeer ah, waxaana ugu dambeeyay kii habeen hore oo ahaa in la isugu yimaado 4-ta bishaan oo berri ku beegan. 

Shirarka kale ee iclaamiyay Farmaajo ayaa ka kala dhici lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe, waxayna labadooda u qabsoomi waayeen kadib markii ay diideen maamulada Puntland iyo Jubaland.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan shir walba oo looga hadlayo xal u helida arrimaha ka taagan doorashada Soomaaliya balse aysan ka qeyb galeyn shir lagu qabtay meel aan ammaan aheyn. 

Tani ayaa ka dhigan in markii 3-aad uu wajahayo guul darro culus taas oo si weyn hoos ugu dhigtay sumcaddiisa. Arrintaan kaliya Farmaajo kuma ahan guul darro ee waxay culeys weyn ku tahay qaranka.

“Waa guul darro weyn oo uu dhabarka u radinayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, sidoo kale waxay ceeb ku tahay qaranka waxaana la gudboon in uu caqliga shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed. 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna dhowr jeer ku baaqeen in shirka lagu qabto meel amaan ah, waxaana muuqato in Madaxweyne Farmaajo uu ka dhaga adeegayo talo soo jeedinta labadaas maamul. 

Guul-darrooyinka Farmaajo ayaa waxaa ugu wacan inuu mar kasta ku dhowaaqo shirar uusan markii hore ka talo-gelin ama uusan aqbalaaddooda kasoo helin dadka u uku casuumayo, taasi oo aan la garaneyn sababta uu u sameynayo.