Sawirro: Farmaajo oo kulan ku qabtay VILLA SOMALIA, fariinna u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19 iyo xubno ka socday bulshada rayidka, waxuuna ka dhageystay warbixino ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Caafimaadka xukumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tiro kale oo badan oo dhimasho ah.

Wasiir Fowziya ayaa bulshada ku adkeysay inay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo ku soo laba kacleeyey dalka.

“Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.”

Ugu dambeytii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19, waxuuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag.

24-kii saac ee u dambaysay waxaa dalka laga diiwaan geliyey 209-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas 181 ka mid ah ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka 28-ka kale laga diiwaan geliyey Somaliland.

Sidoo kale 11 qof ayaa u geeriyootay cudurkaas 24-kii saac ee u dambeysay, halka 21 qof oo kale ay ka soo bogsadeen, sida lagu shaaciyey qoraal goordhaw ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.