Kulankii guddiga qaban-qaabada dibad-baxa Sabtida oo fashil ku dhamaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xil-saaray qaban qaabada bannaanbixii ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa maanta kulankii ugu horey ku yeeshay hotelka Decale oo markii hore lagu gaaray heshiiskaan, waxuuna kulankaas ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Xog ay Caaimada Online ka heshay shirkii maanta dhexmaray xubnaha guddiga ayaa sheegaysa in garabkii ka socda dowladda ay soo jeediyeen in goobta bannaanbaxa lagu qabanayo laga bedelo fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon.

Hase yeeshee xubnaha guddigaas ee ka socday Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray soo jeedanta ah in goobta bannaanbaxa laga bedelo Daljirka, iyagoo ku dooday in waqti lagu bedelo goobta aysan heysay oo mudo dheer ay dadka ku balaminayeen halkaas.

Xogta aan helnay waxay tilmaameysaa in shirkii maanta lagu soo kala tegay iyadoo aan lagu gaarin wax heshiis ah, maadaama guddigu ku kala qeybsamay dalabka dowladda oo ah in la badelo goobta lagu qabanayo banaanbaxa.

Xubnaha shirka joogay ee guddiga labada dhinac ayaa kala ahaa:

1- Wasiirka Amniga Xasan Xundubey
2- Duqa Muqdisho Cumar Filish
3- Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur
3- Musharax Mustafa Dhuxulow

Musharax Daahir Geele iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka maqnaa xubnihii maanta kulmay ee guddiga qaban qaabada banaanbaxa looga soo hor jeedo madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

Banaanbaxa ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishan, balse waxaa soo baxaya shaki ku saabsan sida uu banaanbaxaan u qabsoomi karo.

Labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka oo markii hore ku heshiisyey in si nabad ah loo qabto banaanbaxaas ayaa hadda ku kala qeybsamay goobta lagu qabanayo banaanbaxa.

Dowladda ayaa damacsan in laga badelo taaladda Daljirka, halka mucaaradku uu ku adkeysanayo in banaanbaxaas ay kuqabsanayaan fagaaraha Daljirka oo markii hore loo diiday, waxaana maalinkii loo qorsheeyey ka harta laba maalmood.